Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay iney la tacaalayaan cudurro ka dhashay abaaraha ku dhuftay guud ahaan Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay ku jiraan xaalad degdeg ah iyo iney meelo badan gaarsiiyeen xirfadlayaal caafimaad iyo daawo:
“Wasaaraddu waxay ku jirtaa xaalad degdeg ah oo ah xakameynta abaaraha cudurrada ay keenaan abaaruhu, waxaanu galnay dadaal aad u weyn, waxaanu gaarnay oo dawo iyo xirfadlayaal caafimaadba la gaarsiiyay dhamaan waddankeena meelkasta tuulo kasta, dhammaan madaxdii wasaaraddu way maqan tahay, meelo kala gadisan iyo kooxo kala gadisan ayay wataan, dadaalkaa faraha badanina waxa uu dhalay in aan hoos u dhigno xanuunadii ay abaaruhu keenayeen oo ay ka mid yihiin Shuban-biyoodka, Oofareenka iyo Nafaqo-darada”.





From the comments