Maamulka K/galbeed Oo Ka Digey Jarista Dhirta

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdullahi Sheekh Xasan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa ka digay jaritaanka dhirta deegaannadda hoos yimaada maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna sheegay in wasaaraddiisa awood ulahayn ilaalinta dhirta iyo inay umadda Soomaaliyeed ay fahmaan muhiimadda dhirta.
“Muhiim waxaa ah inaan dhirta la jarin dhirta waa waxa lagu noolyahay oo ay xoolaha ku nooolyihiin oo ilaahay sabab uga dhigay inay xoolo yimaadaan dhulka ayaa saxaro laga dhigin oo dhulka aan ilaallino qof kasta waxa uu cuni lahaa ilaahay ayaa qoray irsaaqadda halkaas laga raadinaayo ma fiicno” ayuu yiri wasiirka
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in deegaannada hoos yimaada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yihiin deegaannada ugu qeyraadka badan gobolada dalka.
“Koonfur Galbeed waa Saddex gobol oo ugu wax soo saarka badan marka laga hadlaayo Koonfurta Soomaaliya ama wadanka, Saddexdaan gobol waxa uu ilaahay ku maneystay Kheyraad badan”
Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay inay wasaaraddu ay caawiso ganacsatada ku dhaqan deegannada hoos yimaada maamulka koonfur Galbeed oo ka trisan Goblada Bay, Bakool iyo sidoo kale Sh/ hoose .
Hadkaan ka soo baxay wasiirka wasaaradda ganacsiga muumulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ay jaraan dhirta si dhuxul ay uga shitaan.
Goobjoog News