Mareykanka: 900 oo Mas’uul oo Ka Soo Horjeestay Digreeto uu Soo Saaray Madaxweyne Trump
Sagaal boqol oo mas’uul oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa saxiixay qoraal ay kaga soo horjeedaan fulinta degreetadii madaxweyne Trump uu ka soo saaray 7 dowladood oo islaam ah ugana mamnuucay soo gelidda dalka Mareykanka.
Sarkaal sare oo ka tirsan waraadda arrimaha dibadda ayaa xaqiijiyay in qoraalka gacanta loo geliyay xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Tom Shannon.
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka Sean Spicer ayaa sheegay iney ogyihiin qoraalka, laakiin ay uga digayaan dublumaasiyiinta oo ay habboon tahay, “Iney waajibaadkooda gutaan ama ay xilka iska banneeyaan”.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo helshay qoraalka warqadda oo ay qoreen mas’uuliyiin miisaanka ku leh wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa qoraalkoodu si toos ah uga horimanayaa fulinta go’aanka madaxweyne Trump uu ka qaatay 7 dowladoo oo muslima ah oo ay Soomaaliyana ka mid tahay, waxay mas’uuliyuuntu sheegeen in go’aankan uu naceyb u abuurayo dadka Mareykanka, xiriirkii dowladahan uu go’aanku saameyayna uu xumaanayo iyo iney dhibaato soo gaarayso dadka qaxootiga ah ee rajeynayay iney ku noolaadaan Mareykanka.
4 ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarsarreysa ee wasaaradda arrimaha dibadda oo uu ku jiro Patrick Kennedy ayaa xilka iska casilay Talaadadii, cabasho ay ka muujinayaan darteed go’aanka Madaxweyne Trump uu ka qaatay 7 dal ee Muslimka ah.
Jimcihii la soo dhaafay ayaa Trump waxa uu saxiixay degreeto uu 7 dowladood uga mamnuucayo in la siiyo dal ku galka Mareykanka muddo 90 cisho ah, 4 biloodna uu ku joojiyay qaabilaadda qaxootiga ee dunida oo dhan, dowladahan Todobada ah ayaa kala ah, Iran, Ciraaq, Liibiya, Soomaaliya, Sudan, Suuriya iyo Yemen.
Goobjoog News