Akhriso: Khudbaddii Iyo Ballamihii Murashax Maxamed C. Farmaajo Oo Qoraal Ah, Isla Xisaabtan Ha Bilowdo
Sida ku qoran dastuurka Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu dalka maamuli doonaa afar(4 sano) oo ka bilaabata maalinta la dhaariyayay.
Marka laga soo tago Hotel-ka uu jiifo, Farjaamo ii geeya iyo shaqo la’aanta hadda socota, shacabka waxaa ay sugayaan waxqabad iyo isla xisaabtan dhab ah.
Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbinaysaa Khudbaddii murashax Maxamed Cabdullahi Farmaajo, qof walba si uu meel u dhigto isla markaana kula xisaabtamo in uu ballamihii ka soo baxay iyo in kale.
Halkan ka Kkhriso Khudabadda Farmaajo oo qoraal ah:
Bismillahi Raxmaani Raxiim.
Guddoonka labada gole mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigoonnadooda, guddiga labada gole ee doorashada madaxweynaha Xildhibaanada sharafta leh, taliyaashaa ciidamada, warbaahinta iyo martida sharafta leh waxaan idin ku salaamayaa salaanta Isalaamka Asc.
Xubnaha baarlamaanka ee labada gole waxaan marka koowaad idin kugu hambalyaynayaa kalsoonidii ay idin soo siiyeen dadkii idin soo doortay Soomaalidii ina soo dooratay waxaan ilaahay idin kaga baryayaa inuu hawshiina idiin fududeeyo ,waxaa sharaf weyn ii ah maanta ii ah inaad labada gole iyo martida sharafta leh ee halkaan is kugu timid aan hortooda ku cadeeyo inaan isku soo sharraxayo hogaanka sare ee dalka afarta sane ee soo socta iyo halka aan doonayo inaan dalka iyo dadka u horseedo markaad codkiina isiisaan .
Sidoo kale maanta waxaan hortiina ka cadaynayaa qaabka aan kuwa jahayo dhibaatooyinka baahsan ee dalka ka jira mudanayaal iyo marwooyin dalka waxuu ku jiraa xaalad adag, waxaana jira ammni darro baahsan ciidankii qaranka oo daryeel lahayn nidaamkii dhaqaalaha oo burbursan cadaalada darro iyo musuqmaasuq baahsan , masiibooyin dabiici ah iyo abaaro soo noqnoqda, barakac joogta ah. Da’yartii Soomaaliyeed oo dalkooda ka cararaya qaarbadana ay badaha ku dhamaadeen waxaan intaas ku sii darayaa oo marqaati ka tihiin in masiirkii dalka iyo dadka ay Qatar weyn ay ku jirto , taas oo ay sabab u tahay dowladda oo gabtay mas’uuliyadeedii qarannimo, tii umadnimo iyo tii wadanadnimo.
Dib uhanashada qarannimada iyo sharafta iyo karaamada ummaddeena waa waajib saaran golayaasha dastuuriga ah ma ahan in shacabkeenu naga rajo dhaco ama uu naga rago dhigo, ma ahan in caalamku uu tusaale uu ka dhigto ceebteena Soomaaliyeed, waa naqaanaaa waa masuqmaasuq ,burcad badeed, xagjir iyo waxbadanoo oo lamida mana ahan inaan baahideena dhaqaale iyo midda ammni aan ku filnaan weyno .
Mudanayaal iyo marwooyin si aynu dhibaatada dalka daba-dheeraatay aan wax uga qabano waxaan u baahannay isbadal dhab ah, is badalka dhabta ah ma ahan qof qof badalaya , ma aha dowlad dowlad badaleyso , waxaa waaye is badal hab dhaqameed siyaasadeed ah waana kuwa hoos ku xusan .
- Waa inaan badalno habdhaqanka Siyaasadeed markii doorashada la galayo ama lagaaro loogu faano dowladbaa I wadata oo dadka ii jujuubeysa, intaas wayba dhaaftaba waxay taaganatahay intay dowladdii timaado ay tiraahdo hebal baan rabnaa hala doorto lacagteedana waan ka daba keeneynaa, dalkaan beec maahan dadkiisuna beec maahan waalidiinteenii iyo aabiyaasheen ayaan ka dhaxalnay, annagana caruurteena ayaa naga dhaxlaya wax shilimaad gooya maahan .
- Waxayna badalaynaa dhaqankii siyaasadeed ahaa in shacabka aysan dowladda wada shaqeyn laheyn, golaha shacabkaa tihiin, codkii shacabkaa tihiin ,wakiiladii shacabkaa tihiin waxaan ku shaqeynaynaa rabitaanka shacabka shacabka iyo dowladdu waa isku hal markay kala tagaan waa markay Alshabaab ay xoogeysanayaan , waa marka ay laynayso xildhibaanada, waa marka ay shacabkeena ay laynayso, waa marka ay noo diidayso horumarka saas darteed shacabka iyo dowladda oo is wadatah cid walba way ka adagtahay , shabaabaan imaan Karin , dowlado shisheeye ayaan imaan Karin saas darteed waa inaan shacabka u dhawaanaa .
- Waxaynu badalaynaa hab-dhaqanka caadada laga dhigatay ee ahaa in baarlamaanka la xiro goortu ay doorashada dhowdahay, waan soo aragnay 2012ka , waa tii baarlamaanka la xiray oo hawshii baarlaamka loo weeciyay saxiixayaal, hadana waa tii sanad ka hor la xiray oo hawshii baarlamaanka sharafta lahaa loo weeciyay madal, awoodda baarlamaanka ayaa iska leh, hay’adda ugu sarreyso sharci dajinta waa baarlamaanka kaalintoodana marna kama bixi karaan .
- Habdhaqanka Siyaasadeed ee ahaa musharaax in mushaarada ciidamada shaqaalaha dowladda iyo kan baarlamaanka aan loo arag xaquuq ay leeyihiin oo loo arki hadiyad ay markii la doonto madxda ay bixiso, mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada baarlamaanka hadiyad maahan waa xaquuq sharci ah , waxaa ogahay hadda inay mushaaro badan idin kama qanyihiin .
- Waxaynu badalaynaa dhaqankii siyaasadeed ee malaayiin doolar lagu baabi’iyay mooshin dowlad lagu rido iyo mid lagu dhiso , waxaynu ognahay waa caado xumo waxyaabaha dowladdaan 16 sano la dhaqaaqi waysay waxaa ka mida isbadal aan macno lahayn, dowlad kasto oo timaado oo aad doorataan waxay uga tagtaa meeshaan iyadoo hawlo qabyo ka ah , waxay uga tagtaa saddex Raiisulwasaare iyo sanad walba in dowlad cusub la keeno, marka halsano see wax loogu qabanayaa , marka waxaa loo baahanyahay in arrintaasi wax badan laga badalo .
- Dhaqanka ugu xun oo siyaasaddeena ku jiro waxa uu yahay in la quusto oo la yiraahdo meeshaan waxaba lagama qaban karo, xaaladdaadni way adagtahay shacabkaan dowlad marabaan xaqiiq maahan dhibka shacabku maahan, dhibku golaha shacabka maahan dhibka waa madaxda la doorto oo dadka quus gaarsiiya .
- Waxaan badalayaa dhaqankii siyaasadeed ee madaxda dowladda ay caado ka dhigteen in safarro aan loo baahneyn lagu sii socdo oo waqtiga iyo hantida qaranka lagu lumiyo waa caado xun , maxaa yeelay wasaaradda arrimaha dibadda jirta oo loo baahanyhay inay socoto maahan in madaxweynah uu bishiiba 3 jeer baxo sidaas darteed waa in la joojiyaa dhaqankaas .
- Waxaan badalayaa dhaqankii siyaasadeed ahaa in xil la iska saarin nolasha ammniga xildhibaanada ee kaliya la xasuusto maalinta mooshin loo baahdo ama cod laga rabo waa dhaqan xun, xildhibaanadu iyagaa keenay madaxda iyagaa dooratay iyagaa dhalay madaxweynaha ma aha in loo baaahdo marka laga rabo codka oo kaliya,waxaa laga raabaa talo, waxaa laga rabaa inay dowladdaas ay ka wax dhisaan .
- Waxaynu badalaynaa in ammnigeena ay cid kale nooga noqoto mas’uul, macnaheedu waxaa waaye, wiilasheena dhalinyarada ah oo askartaa mahanan karaan mas’uuliyadda ammniga, waxaan aaminsanahay waan arkay markaan ahaa Raiisawasaare waxay u baahanyihiin markii la siiyo inay hanan karaan oo dagaalyahano yihiin oo geesiyaal yihiin markii xaquuqdooda meel loo saaro .
Waxaynu badalaynaa sidoo kale haddii aad fursad isiisaan aad ii doorataan xilka aan raadinaayo hadduu ilaahay yiraahdo in dowladdu ay awoodeeda ay ku cabirto shacabka intay u adeegi lahayd jidadkaani la xiraayo oo maalmahoo dhan xiran, waxaa waaye waa qeyb ka mida caburin , hadaad idoorataan magaaladaan nabad keeni waayo baabuurtii waaweyneed ayaan gadaal ka galayaa jid la xiraayo majiraayo markaan Al-shabaab ka adkaanayo markaas ayaan baabuurta ku raaxeyanaa laakin isma keeneyso adoo dagaal ku jira in jidadka ay dadka umadda xiranyihiin wax loo baahan maahan .
Arrinta ugu muhiimsan waxay tahay oo la doonaya in la fahmo, siyaasaddu waa xal raadin , siyaasadd khiyaano maahan , siyaasaddu been maahan, siyaasadu balan ka bax maahan meel ay adduunka ay ka jirtana maahan adduunkana kama jirto diinka islaamkuna maqabo qof intaad been u sheegto oo aad uga baxdo, waa ceeb waaye .
Mudanayaal iyo marwooyin intaana aan wax idin kaga sheegin barnaamijkeyga siyaasadeed aan halku dhig uga dhignay “Nabad iyo Nolol” Soomaali intaas ayay u baahantahay nabad ayaan u baahanahay, waxan walaalo isku mida nahay walaalo waxba aan kukala duwaneyn qoladaan banaanka nooga soo duushay oo siyaasadda shisheeya wadata nabadda Soomaaliya iyo horumarka Soomaaliya ma hor istaagi karaan noloshu dadkeenu waa mid aad uliidata Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa waddanka ugu soboolsan adduunka waana waddanka ugu hodsan magaalada marka loo fiiriyo ilaha dabiiciga ah , barnaamijkaasna waa idin horyaalaa .
Waxaan rabaa inaan wax yar dib idiin xasuusiyo ballantii ee hadda ka hor markii aan raadinayay in la ansixiyo oo hortiina ka balan qaaday waxaan ka ballan qaaday arrimaha ammniga inaan xoojiyo, waxaan muddo yar gudaheed annagoo ilaahay kaashanayno inaan magaalada mugdisho ka saarnahay Alshabaab oo markaas haystay sidaad ogtihiin boqolkiiba 70% meel fog ma ahayn waxay joogeen baar bulsho ayay joogeen waad la socoteen wadada Makh Almukarama lama mari jirin , waxaan bilownay bixinta mushaaraadka ciidamada ammniga, shaqaalaha dowladda iyo xildhibaanadii xiligaas joogay .
Waxaan dagaal adag la galnay musuqmaasuqa oo aan isbadal ku sameynay ha’adaha dhaqaalaha waxaana kordhinay dakhliga dowladda oo markii aan iscasilay oo aan ka tagay oo aan qasnadda dowladda aan uga tagay 7.5 malyan oo dolar meeshii aan ugu imid khasnad maran waxaan dib u hawlgalinay televishinkii qaranka, waxaa dib u hawlgalinay iyadana bankiga dhexe oo xoldhibaanada iyo shaqaalaha dowladda ay bilaabeen inay mushaarada ka qaataan .
Mudanayaal iyo marwooyin waxaan si taas la mida maanta hortiina ka balan qaadayaa inaan dhiso xukuumad fulisa arrimaha ku xusan barnaamijka siyaasadeed ee Nabad iyo Nolol oo isagoo faahfaahsan aad haysataan, saan sheegay waxaa nambar kow ii ah ammniga dalka waxa uu ku jiraa xaalad dagaal ,lkin ma moogi dowladdu inay dagaal ku jirto waxaa waaye dagaalku waxa uu ka socdaa hal dhinac. Alshabaab ayaa meeshey rabto weerarta, shabaabaa meeshii ay rabto qarxisa waxaan haynaa oo kaliya oo ay dowladdu haysaa tacsi iyo cambaareyn , dagaalku waxa uu naqonayaa labo geesood, waan isku tageynaa ama haday nabad qaataan way fiicanyihiin haddaysan nabad qaadana shacabka Soomaaliyeed meel kasta, Xildhibaanada kulli waan dagaalameynaa, maxaa yeelay nolol nooma diidi karaan nabadna nooma diidi karaan .
Waxaan ku sameynaynaa tiro koob ciidanka aan haysano oo halwgali karo ciidankaan halwgali Karin waxaan ka dhigaynaa hawl gab xaquuqdoodana waan siinynaa waxaan siinaynaa tobabar ciidanka marka kii laya qaanay maahan , waxaan siinaynaa tobabar wadaniyad ciidamadeenu waa dagaalyahanno way yaqaaniin sida loo dagaallamo laakin waa in lasiiyo mabaadi’dii ay ku dagaalami lahaayeen , waxaan ognahay shabaab inay ku dagaalamaa diin aan sax ahayn oo gowracayaan qof ashahaadanaya iyagoo Allahu Akbar leh , sidaas darteed waa inaan siinaa ciidamadeeda tobabar oo joogtaa oo la dareensiinaayo dadnimada iyo waxay udhimanayaan , waa inaan siinaa daryeel ciidan aan daryeel lahayn madagaali karo oo calooshiisa ay marantahay waa inaan mushaar fiican siino , waa inaan caafimaad siino, haddii uu dhintana caruurtiisa waa inaan ka warqabnaa , agabkoodu waa inuu u dhanyahay, qalab kaste waa inay haystaan oo ninka askariga ah waa inuu kala hortagi karaa cadowga, markaas waxaan ka rabnaa inay anshax la yimaadaan kii ku takri fala awooddiisa ama shacabka dhibaateeya ama ciidanka la shaqeeya dhibaateeya haddee qasbiyan waxuu wajahayaa sharciga, kii waxdilana waan dileynaa kii dambi galena waa laga goynayaa dambiga, mooralkooda waa inaan kor u kicinaa annagoo la shaqeyneyna oo garab taagan oo caanaha iyo biyaha ka dabo wadno inaan mooralkoodu kor u kicino si ay uga hortagaan cadowga usoo xeedxeetay inay Soomaaliya u diidaan nabad iyo nolol u diidaan .
Tan ugu muhiimsan waxaa waaye inay leeyihiin taliye fiican kow dagaalka galaya taliyaas oo yaqaano waxa uu udagaal galaya, waxa laga rabo sharuucdiisa, waa in isaga laftiisa lasiiyo tobabar joogta ah ,maxaa yeelay haddii uusan lahayn tobabarka uu u baahanyahay hadaba ciidanka iyo askartu saraakiishoodu waaye.
Inaan isku dhafno ciidanka waa laga wadahadlaa laakin wax adag maahan, ciidamadii hore ayaa noojooga oo yaqaana sida loo qora ciidanka yaqaana, waxaa la ii sheegay unugkii kow iyo tobnka ahaa hal hal ku qabiil ah inuusan jirin micnaheedu waxay tahay hadda dagaal ayaan ku jirnaa qof walboo Soomaaliya oo dhaho dagaal diyaar ayaan uahay inaan dalka difaaco balse waa inaan kordhinaa ciidanka oo isku dhafno .
Arrant kaloo muhiimka ah ammniga abaabul shacabka Soomaaaliyeed, shacabka Soomaaliyeed inaan u dhawaano waaye cidda shacabka Soomaaliyeed udhaw ayaa guulaysanaysa .
Waxa ay shabaab nooga reynayso nooga adkaanayso wax kale maahan waa shacabka waaye shacabku waa inay dowladda aaminsanyihiin dowladdana idinkaa la idin karabaa inaad keentaan dowlad shacabku uu ku kalsoonaan karo shacabka waxaan ka rabnaa inay warbixinno noo keenaan iyo meesha ay shabaab ku jiraan shacabka waa inay ka qeyb galaan dagaalka , shacabku waa inay dhaqaaluhu bixiyaan oo loo wada istaago sidii dadkaa looga xoreyn lahaa horrorta.
Waa inaan warbaahinta adeegsano iyagoo culimada banaanka usoo baxaya oo macneenaya diinta muqadaska ah islaamka ah dhaliyaradaan shabaabka waxaan aaminsanahay inay qasbanyihiin iyaga laftigoodu aysan ogeyn kuwa utaliyo meelaha ay amarka ka qaataan oo loo soo diray inay dalkaan burburiyaan oo kheyraadka aan leenahay aan u tagno oo adduunka ay naga hor istaagaan wax allaala waxii maalgalin ahaa oo loo baahnaa saas darteed cafis ayaan u fidinaynaa , anaa ugu horreeyay wax cafis u fidiyay, bil gudaheed ayaa waxaa noogu yimid 300 boqol meesha sirindi la yiraahdo anagaa qabsanay ka dibna dowladihii naga dambeeyay waa maamuli waayeen waxaaba qaatay oo hadda muumulaya dowladda Ingiriiska lkin annaga cidna ma aanan weydiisan taageero qof kasta nin allaala ninkii kasoo tago oo shabaabka ka soo tagana waxaan siinaynay $100 dolar .
Dagaalkaan waa dagaal dhaba waaye waa dagaal xaq ah waaye maxaa yeelay waxaa larabaa ina diinteena muqadaska ah la xumeeyo oo naloo tuso inaan nahay dad xun. Sirdoonka inaan xoojino baabuurtaan qarxaya maalin walba waxaa waaye sirdoonka hadii la siiyo awoodooda dhaqaale iyo awoodooda aqoon la siiyo waxaan aaminsanahay sirdoonka oo la xoojiyo hawshoodu inataha baabuurtaan isqarxinayso oo heelada iyo dadka laynaya in wax laga qaban karo , waxa wax looga qaban karo wax yar ayaa idin kaga sheegayaa waa sahal waaye .
Hal malyan oo doolar in bishii meel loo dhigo qofkii soo sheega baabuurka qarxaya in la siiyo 100,000 oo doolar haddii uu rabo inuu dabada loo dhigo qofkii warbixn fiican keeno oo umadda lagu babaadiyo hadduu rabo inuu dibada aado si uu maalmo uga maqnaado si aysan udilin inaan ufududeyno, waxyaabaha ay qarxiyeen haddii ay yihiin hoteelo iyo guryo inaan dhisno annaga maxaa yeelay anagaa ka mas’uula annagaa ilaalin weynay nabad gelyadii, dadka ku dhinta inaan magdhow siino,hooyooyinka iyo aabayaasha ku dhintay ilmahoodu ay agoon iyo rajo ay ku oqdaan inaan u wadno dhaqaalihii ay waalidka ka heli jireen, micnaheedu waxa uu noqonayaa shabaab oo ka soo horjeeda u maad Soomaaliyeed oo dhan iyo dowladdii oo wadata shacabkeeda oo qofkii dhib uu ku dhaco ay daaweysanayso ama au xuquuqdiisa ay siinayso .
Arrinta nolosha saan sheegay isbadalkeenno waa nabad iyo nolol waana waxaan ubaahannahay labadaas hadaan abaarno waxaan aaminsanahay inuu dalkaan uu noqonayo dalalka ugu kheyraadka badan waxaa ugu horreeya hadaan nolol rabno musuqmaasuqa inaan ladagaalano, musuqmaasuqa waa cadowga siyaasadda cadowga dowladeed waaye sida shabaabka ay cadowga shacabka u yihiin yaana musuqmaasuqa u yahay cadowga horumarka waxaa laba bil ka hor ay soo saareen waxaa la soo saaray inaan nahay waddanka ugu musuq maasuqa badan aduunka 176 baan uga jirnaa, waddanka ugu horreeyana waa Denmark, maxaa noo diiday inaan Denmark latartano? maxaan ugu jirnaa inaan noqono dadka ugu xun dunida? illeen musuqmaasuq micnaheedu waa tuug diinteena ma ogola dad islaam ah ayaan nahay ,maxaa nagaarsiiyay inuu aduunka nala yaabo ay yiraahadaan dadkaan bani aadam maahaan .
Walaalayaaloow mudanayaal iyo marwooyin hadaad idoorataan musuqmaasuqeyga musuqmaasuqa waa beegsigeyga ugu horreeya waa la dagaalamaynaa si fool xunna waan ula dagaalamaynaa qofkii hantida qaranka ku takri fala umaddana waan ku ceebaynaynaa xabsi dheerna waan u diraynaa .
Kaabayaasha dhaqaalaha waa inaan soo celino si dhalinyarada Soomaaliyadeed oo shaqo la’aanta haysato ay shaqooyin uga helaan waa inaan maalgalin shisheeyo keeno maalgalin shisheeyo ma imaanayo waddan uu musuqmaasuq hareeyay marna ma imaanayo maxaa yeelay yaa tuug wax ku darsanaayo dadkaas waa dad nadiifa ma Denmark ayaa kuu imaanaysa kuu imaan mayso , maxaa yeelay dhib korkaaga ah ayaa yaala waa inaan isasaxnaa annaga oo aan noqono dad islaamaa oo saxa oo raba waqtiga oo hadda caalamka uu ku noolyahay oo layiraahdo qarniga 21aad inaan ku noolaano .
Dhib u heshiisiinta dib u heshiisiin ayaan sameynaynaa dad walaalo ah ayaan nahay wax aan kukala duwannahay maleh waxaa laga yaabaa siyaasiyiin inay nakala fogeynayaan balse dadka Soomaaliyeed col maahan, waxaan xoogga saareynaa aniga hadaad I doorataan madaxweyne noqon mayo nabaddoon ayaan noqonaa waxaan ugu tagayaa cid walba meesha ay joogaan waxaa xoojinayaa oday dhaqamedyada rasmiga ah ayaan xoojinayaa mushaar joogtana waan u qoreynaa hadduu ilaahay hiraahdo. Waxaan kaloo rabaa inaan dhameystiro wadahadallada udhaxeeya walaalaheen Soomaaliland iyo dowladda dhexe Soomaali waa dad walaalo ah makala maarano wixii ku dhaca annagey nagu dhaceen wixii annaga nagu dhacana way naga naxayaan waan isku baahanahay makalo maarano, waa inaan ugu hambalyeyno runtii hormarka ay ka gaareen inay degenaasho, xasilooni siyaasadeed iyo mid dhaqaale inay sameeyaan waana wax muhiima ah in looga daydo in sha allaah hadduu ilaahay codkiina I siisaan inaan halkaasi ka bilaabo dadkaas walaalaheen inaan la fariisano wax allaale waxay tabanayaan sidaacada oo ilaahay hortiisa inaan ugala xaajoono ,maxaa yeelay annagu dad yar ayaa nahay waan isku wado baahanahay waana u baahanay .
Een, Arrintaasi waxaa sal u ah nabad iyo nolosha aan sheegay dowlad wanaag iyo sarreynta sharciga, dowlad wanaag waxaa waaye wadashaqeyn udhaxeysa waxay ka bilaabanaysaa madaxweynaha iyo Raiisulwasaaraha, saan ognahay laga soo bilaabo 2000 ilaa hadda madaxweyne walba waxa uu shaqada ka tuurayay Raiisulwasaaryaal, ninka ugu yar ayaa saddex Raiisulwaare keenay micnaheedu waxay tahay arrintaas waxaa lagu wadashaqeynaayay awalba dan gaara, dan guud ummadda iskuma qabsato, haddii ninka madaxweynuhu ah uu Raiisulwasaaraha uu ku keeno dan guud waa inoo keenaa qof fiican maahan inuu raadiyo qof xun ama qof liito inuu keeno maahan haday wax isku qabsadaana inay baarlamaanka sharafta leh la soo dhexgaliyo hawsha oo la yiraahdo haye talo fiican keena labadeena labadaa talo ayaan isku haynaaye illeen dan gaara ma jirtee talo fiican keena waxaa laga yaabaa talo ka fiican labadooda in la keeno .
Sarreynta sharciga, waa muhiim waa waxyaabaha aan runtii kagaabinay waaye haddii uu madaxweynaha ka gaabiyo sarreynta sharciga Raiisulwasaaraha ayaa ka gaabin dowladuu dhan way kawada gaabinaysaa .
Waxaa tusaale u ah madaxweynaheena hadda jooga oo waqtigiisu dhamaaday sharci kuma fadhiyo intuu baarlamaanka horyimid oo idin horyimid idimuusan oran waqtigii waan haleeli waayay waxaan ubaahanay waqti dheeraada iigu dara, oo I sharciyeeya idamin horan lkin adinka waad sharciyeyseen, oo guddoomihiyii baarlamaankawaad shariciyeseen laakin isaga masoo marin leebalkaas.
Sidaas darteed waxaa waaye in la joojiyo dhaqankaas dhaqan fiican maahan maxaa yeelay madaxweynuhu waxaa larabaa inuu noqdo tusaale wanaagsan oo lagu daydo ,
Nidaamka Federaalka ah, waxaan ubaahannay inaan si rasmi ah u hirgalino hirgalintuna nidaamka federaalka waxaa loo baahanyahy in dastuurka dib u eegis lagu sameeyo oo la qabyo tiro ka dibna afti loo qaado .
Waxaan rabaa inaan la hadlo dhalinyarada halkaan ku jirta, oo aan isleeyahay namber fiican way soo galeen baarlamaanka soo galay een, waxaa Soomaaliya soomaray dowladnimadeedii saddex jiil jiil hore oo axyaa waddani ah oo ka saaraayay dalka gumaysiga oo qabiilka banaanka iska dhigay oo midnimada Soomaaliyeed xoojinaayay aad bey usoo shaqeeyeen ilaahay ha siiyo naxariistiisa waxay Soomaaliya keeneen meel dowlad ka noqon karno,
Jiilka labaad waa jiilkii dowladda noqday oo soo socday ilaa 91kii
jiilka saddexaad waa dhalinyarada hadda soo gashay qaarkood oo ku hana qaaday burburkii .
Waxaan rabaa inaan xuso guddoomiyaha baarlamaanka hadda ka hor mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo dhalin yaro la hadlaayay, dhalinyaradaasi wuxuu ku yiri hadal taariiqi ah wuxuu ku yiri naga raali ahaada saddex jeer naga raali ahaada naga raali ahaada oo naga raali ahaada , waayu idamin diyaarin wixii jiilkii annaga naga horreeyay oo SyLka ahaa oo noo diyaariyeen oo wadaniyadnimada aheyd .
Marka waxaa su’aal ah, jiilkaas dambe oo hadda jooga oo dhalinyaradaan u badan xildhibaanada shalay markaad Jaamacadaha dhiganeyseen waad la yaabanayseen siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxaad la heydeen maxaa ka halaysan 16 sano way badantahee maxay wax u qabsan waayeen maxay wax u hallaysanyihiin .
Hadda adinkaa qalinka haysto, qalinka adinkuu gacanta idin kugu jiraa waxaad kala dooranaysaan marka dhalinyaro, xildhibaano waad sharfantihiine, waxaad kala dooranaysaan inaad sidii guddoomiyaha baarlamaanka aad raali galin siisaan kuwa idin ka dambeeya oo tiraahdaan markaan qalinka haysanay wax waa idiin qaban weynay oo dano shaqsiyaa qaadanay ama kuwii Axyaa waddani ee SYLka ahaa oo midnimada Soomaaliyeed keenay jidkoodaa qaadeysaan badbaadidisiisa horseed ayaad ka noqonaysaan.
Dumarka Soomaaliyeed haweenka Soomaaliyeed oo iyaguna qeyb weyn ka qaatay baarlamaankaan hadda aad baan ugu faraxsanahay inay ku soo bateen lkin aysan dhameystirnin boqolkiiba 30% , lkn waa taariiqi waa arrin taariiqiyah waxaa nasiib darraa Soomaaliya waxay noqotay meesha dunida ugu xun ee hooyada iyo dhalaanka, qiyaastii boqolkiiba 6-10 % hooyada uurka leh boqolkiiba 6-10% waxay halis u tahay inay dhimato ama ay umul raacdo boqolkiiba 10% ilmaha dhalanaayo waxaa laga yaabaa inay dhintaan .
Hooyada Soomaaliyeed waa tan markii uu dhib dhaco qaxda, waa tan ooyeysa markii ilmihii ay ku baaba’aaan badda , waxaan idin ka codsanayaa codkiina si aan ubadbaadino dhalaanka iyo haweenka Soomaaliyeed oo runtii dhibka ugu badan uu iyaga ku dhacaayo. Wasalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakaatu.
W/Q: Jaamac Cali Shadane