Universal TV Oo Laga Mamnuucay Deegaannada Puntland
Sheeko:Dalka
Wasaarada Warfaahinta Puntland ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay waxaa shaqadii looga joojisay UniversalTV ee deegaanada Puntland.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Nuur Yuusuf Axmed Ahna sii haya xilka wasiirka, kadib markii Soocade is casilay ayaa amarkan uu noqday kii ugu horreeyay ee uu soo saaro, waxaana loo sababeeyay in Universal ay baahisay warar iska hor keenaya dawladda iyo Shacabka kuwaas oo dhibaato ku ah Amniga Puntland.
Maamulka Xafiiska Universal ee Puntland ayaa arintaas beeniyay dhankooda, sheegayna inaysan baahin warar wax u dhimaya amniga Puntland, balse Wasaaradu ay dhibsatay Barnaamijka maadayska Universal ee Faaliyaha Qaranka.
Goobjoog News