U bood dhigaalka

Baarlamaanka Kuwait Oo Ka Qeybqaadanaya Gurmadka Abaaraha Soomaaaliya

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa sheegay iney ka qeybqaadan doonaan gurmadka abaaraha Soomaaliya, islamarkaana ay dhowaan dalka usoo diri doonaan gurmad ay iska soo uruuriyeen.

Xildhibaan Cali Al-deqbasi oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Kuwait oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markaan la joogo waqtigii shacabka Soomaaliyeed ee abaarta aafeysay la taageeri lahaa.

Wuxuu xildhibaankan ugu baaqay shacabka dalkiisa iney u istaagaan sidii ay gargaar isaga soo uruurin lahaayeen si loo soo gaarsiiyo Soomaaliya.

Dhanka kale xildhibaan Al-deqbasi oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay dalalka carabta in aysan indhaha ka daawan xaaladda abaareed ee Soomaaliya, lagana doonayo in gurmad dhan walbo leh ay fidiyaan.

Tallaabadani ayaa imaaneysa xilli Jimcihii shalay uu dalka Imaaraadka ka bilowday barnaamij ay lacag isaga uruurinayaan shacabka dalkaasi, si loo caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaarta aafeysay.

Goobjoog News