U bood dhigaalka

Maamulka Hirshabelle Oo Digniin u Diray Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Maamulka Hirshabelle ayaa uga digey dowladda Federaalka Soomaaliya iney sameyso xadgudub ku aadan xuduudaha ay wadaagaan maamulkaasi iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka warfaafinta maamulkaasi Mahad Xasan Cismaan oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in marnaba maamulkooda aanu aqbali doonin in lagu xadgudbo xuduuddooda.

Wuxuu sheegay iney maqleen warar sheegaya in dowladda ay dooneyso iney ballaariso gobolka Banaadir, sidoo kalena Garoonka Cisaley la doonayo in lagu daro gobolka Banaadir, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan maqalnay in dowladda ay rabto iney ballaariso caasimadda, Cisaley ayeey doonayaan iney ku daraan gobolka Banaadir, wuxuuna ka tirsan yahay Shabellaha Dhexe, marka taasina dastuurka dalka u yaalla ayaanba qabin” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn wasiir Mahad ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney ilaaliso xuduudaha dalka, ayna sidoo kale dhowrto dastuurka dalka u yaalla.

Maamulka Hirshabelle ayaa maalmaha dambe wadey qorshe ay doonayaan iney ku dhisaan garoonka diyaaradaha Cisaley iyo sidoo kale dekadda Ceelmacaan.

Goobjoog News