Jadwalkii Imtixaanka Midaysan ee Dugsiyada Sare ee Dalka oo Lasoo Saaray
Sheeko:Dalka
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2017/05/jadwalka-imtixaanka-dugsiyada-sare-ee-dalka.png)
Wasaaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay jadwalka imtixaanka Qaran ee sanad dugsiyeedka 2016-2017.
Jadwalkan ayaa waxaa lagu soo muujiyay maalmaha kala duwan, maaddooyinka ay ardaydu geli doonaan, saacadaha maaddooyinka iyo xilliyada Break Time-ka ee ay ardaydu qaadanayaan.
Imtixaanka midaysan ee sanadkan ayaa waxaa u fariisanaya arday 23, 000 oo arday gaaraysa oo ka kooban dalka oo dhan, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland oo iyagu si gaar ah u qaadi doona imtixaankooda shahaadiga ah ee dugsiyada sare.