U bood dhigaalka

Shacab Carreysan Oo Dibadbax Ka Dhigay Deegaannada Carbiska Iyo Lafoole

Sheeko:Dalka

Shacab carreysan ayaa maanta waxay deegaannada Lafoole iyo Carbiska ee Shabellaha Hoose ka dhigeen dibadbax ay kaga soo horjeedaan nin ay sheegeen iney dileen ciidanka dowladda Federaalka.

Dibadbaxayaashan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Nabad sugidda ay nin ganacsade oo lagu magacaabayey Jaamac Yabarow ay gurigiisa kala baxeen habeen madow, kadibna xilli saqdhexe meydkiisa lasoo dhigay.

Waxay sheegeen in markii la wadayey Jaamac ay waddooyinka gala hoygiisa xireen ciidamada, ayna sheegeen in laga shakisan yahay, lana soo baari doono oo kaliya.

“Jaamac Yabarow wuxuu ahaa nin deegaannadan aad looga yaqaannay, ciidamada nabad sugidda ayaa gurigiisa kala baxay, kadibna Meydkiisa ayaa lasoo dhigay oo hooyadiis taleefan inta loo soo diray waxaa lagu dhahay wiilkaaga Meydkiisa ka qaado wadadaasi” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah waxgaradka deegaannadan ee ka qeybgalay dibadbaxan.

Shacabka dibadbaxa dhigay ayaa waxay ka codsadeen dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare kheyre in cadaaladda ay horkeenaan askarta falkaan geysatay.

Dhanka kale Goobjoog ayaa isku dayday iney xiriir la sameyso saraakiisha ciidamada dowladda ee Sh/hoose si arrintan wax uga weydiinno, hase ahaatee waa inooma suurtagelin.

Goobjoog News