Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Maamul Cusub U Magacaabay Gobolka Hiiraan Iyo Baladweyne

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa goordhaw waxaa uu maamul cusub u magacaabay gobolka Hiiraan iyo degmada Baladweyne oo ah magaalo madaxda.
Wasiirka warfaafinta maamulka Hirshabeella oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay isbadalka dhacay, waxaan halkan hoose ka akhrisan doontaa isbadalka:
Gobolka Hiiraan:
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan: Cumar Baadiyoow
Guddoomiye ku-xigeenka arimaha amniga: Maslax Maxamed Cismaan.
Guddoomiye ku-xigeenka maamulka :C/rashiid Sheekh Cali,
Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Qaalid Bashiir Cali,
Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada: Sheekh Xusseen Cismaan Cali.
Xoghayaha gobolka loo magacaabay C/dulle Nuur Guure.
Maamulka Magaalada Baladweyne:
Guddoomiyaha degmada Beledweyne: Aadan Axmed Xeefoow,
Duqa degmada Beledweyne : Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle
Googbjoog News