U bood dhigaalka

Safiirka Mareykanka Ee Soomaaliya Oo Sheegay In Ay Haboon Tahay In La Qaado Cunaqabateynta Hubka

Sheeko:Dalka

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya oo laga qaado cunaqabataynta hubka ay dalka u fiicanthaay balse laga rabo dowladda Soomaliya inta aan la qaadin hanaan adag oo hubka lagu kontoroolayo.

Saafiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya  Stephen Michael Schwartz  oo wareysi gaar ah siiyay  Goobjoog ayaa xusay in aan la rabin in hubka Soomaliya ay soo iibsaneyso uusan gacanta ugalin xarakadda Alshaab.

Safiirka Mareykanka: Qaadista cunnaqabateynta waa arrin aad ugu wanaagsan Soomaaliya,  si marka loo gaaro waxaa looga baahan yahay Soomaaliya nidaam lagula xisaabtami karo hubka ay haysato, nidaamkaasna weli lama hayo but annaga iyo kuwa kaleba waxaan si dhaw ula shaqeynaa ciidamada Soomaaliya iyo wasaaradda gaashaandhigga si ay awood ugu helaan si arrintaas loo gaaro, hadda cunnaqabateyntu waa mid xadidan Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay la socodsiiso guddiga qaramada midoobay marka ay keensaneyso hub nuucuu yahay ha ahaadee halka laga keenayo iyo ujeedada taariikhdana ma aysan dhicin in qaramada midoobay ay iska indha tirto codsi, sanadihii ugu dambeeyeyna Soomaaliya waxay keensatay in ka badan 30 milyan oo rasaas ah iyo in ka badan 20 kun oo qori marka waxaan isleeyahay nidaamka jira kuma adka Soomaaliya laakiin waxaan waafaqsanahay inay Soomaaliya xal u hesho sidii hubkaas loogula xisaabtami lahaa maxaayeelay ma dooneyno in hubkaas laga iibiyo ama gacanta u galo Alshabaab iyo dad la mid ah.

Safiirka  Stephen Michael Schwartz  ayaa dhinaca kale ka hadlay arrimaha burcad badeeda isaga oo sheegay in aduunka wal wal ay ku heyso burcad badeeda dalka ku soo laabaneysa isaga oo hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in la xaliyo sababaha keenaya in burcaddu ay dib u soo laabato.

Safiirka Mareykanka: Waa su’aal wanaagsan waxaana isleeyahay adduunka aad waa ku farsanaayeen 5tii sano ee ugu dambeysay inaysan ka dhicin wax fal burcadbadeednimo ah biyaha Soomaaliya waana horumar weyn oo la gaaray iyadoo xilliyadaas ka horna burcadbadeednimadu ay ku sii baaheysay meelahaas mana hubno xaqiiqdii waxa sababay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee burcadbadeednimada mana u Qatar badana sidii hore waxaana ognahay in ciidamada badda Soomaaliya ay gacan ka geysteen in arrintaas la xakameeyo dadkuna waxaa laga yaabaa inay isyiraahdaan laga yaabee inay yaraatay ciidamadii caalamiga ahaa ee kormeerka ku sameynayey badda arrimahaas iyo kuwa kale ayaa iguna loo sababeeyaa kalluumeysiga sharci darrada ah  waana arrin ay tahay in wax laga barto sababtoo ah qof sidaas dooneysa ma jirto in burcadbadeedu ay soo laabato.

Goobjoog News