U bood dhigaalka

7 Qodob Oo Uu Ku Fashilmay Shirkii Dib U Heshiisiinta Qaran Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shirweynahii Wadatashiga Qaranka ee Hanaanka dib u heshiisiinta ee todobaadkii hore ka dhacay Muqdisho waxaa ka soo baxay war murtiyeed, dadka ka qeyb galay oo wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ah iyo maamul goboleedka dalka ay soo xuleen waa ka mahadceliyeen wixii dhacay…laakin ha la iska xisaabtamo ma xumee: Dadka shirayey dad is diidan ma ahaayeen? maku jireen dad ama beelo dulman? Intaas oo dhan waxaa ka horeeya ma la yaqaanaa beelaha dulman iyo kuwa wax dulmiyay?!!

In kasta oo qaar ka tirsan odoyaashii 135ta ahaa ee beelaha Soomaaliyeed ay ku eedeeyeen in fikradda markii hore ay dowladda iyaga ka qaadatay kadibna ay tillaabsatay, in kasta oo dadka qaar shirka ka sheegeen in dadkii shirka khuseeyay laga soo tagay iyo iyada oo tusaalaha shirka ahaa dib u heshiisiin la sheegay in ay ka dhacday Somaliland oo la doonayo in Koonfurta laga hirgeliyo iyo Puntland oo beelo ku heshiisiisay Buraanbur, labadaasi tusaale oo dadka qaar madaxa ku xanuunay….hadana shirkii waa dhacay, ha dhacee, mala og yahay waxa la isku heysto iyo cidda ay tahay in dib u heshiisiin loo sameeyo, cidda hantida umadda dhacay oo heysata, lana rabo in ay celiso mise waxaa la rabaa in dalka laga furo mashruuc aan dhammaad laheyn?!!

Mar haddii la isla gartay in loo baahan yahay dib u heshiisiin tin illaa cirib ah,  ka waran haddii la dhaho maamul walba, gobol kasta, beelaha iyo dhammaan shacabka ha soo qorteen cidda ay wax ka tabanayaan? Goorma ayey Soomaaliya heshiin doontaa? Meel aan hab laheyn ayaa la rabaa in dadka lagu madadaaliyo!!

Shirka inta uu socday waa la isku wareeray, dadka qaar waxaa ay qabaan in xalka laga soo bilaabo dib u sixidda waxyaabihii gumeystaha laga dhaxlay, habkii loo maray midnimada iyo dowladnimada, maamulladii kala duwaan iyo cadaalad darridii dhacday iyo in hoos loo dago oo laga hadlo waxa keena abaarta, dagaallada, barakaca iyo in lagu heshiin waayo kheyraadka .

Hadaba, Akhriso, 7 Qodob Uu Ku Fashilmay Shirkii Dib U Heshiisiinta Qaran Ee Muqdisho:

1. Beelaha Laga Tiro Badan Yahay: Casharka laga baran karo shirkan waxaa ka mid ahaa dareenka ay shirka ka qaadeen beelaha laga tiro badan yahaya ama loo bixiyay “Others”.

Ka soo qeyb-galayaasha oo la hadlay Goobjoog News , gaar ahaan dadka laga tirada bada yahay waxaa ay sheegayaan in ay jirto maah-maah Soomaaliyeed oo dhaheysa “Baadida nin baa kula daydaya, dadaalna kaa badane oo doonahayn inaad heshana daa’in abidkiiye” ninkaasi oo shirka ka maqnaa!

2. Heerarka Cadaaladda: shirka waxaa uu ku guul-dareystay qeexidda cadaaladda, waxaa goobta isugu tagay 3 qeybood, koox ka sheeganeysa Cadaalad darro baahsan,  qeyb kale oo qabta in ay wax yar jiraan iyo in kale oo diidan in dalka ka jirto wax cadaalad darro, xitaa waxaa kale oo la isku khilaafay halka laga soo bilaabayo, qaar ka qeyb-galayaasha ka tirsan waxaa ay qabaan in xilligii gumeystaha laga soo bilaabo!

3. Waa La Kala Cabsanaa: Dhammaan ka soo qeyb-galayaasha waxaa ay ka hadleen mushkiladda aan dhammaad laheyn, laakin waxaa lagu guul-dareystay in farta lagu fiiqo beesha ama qofka dhibka laga tabanaayo, oo waxaa dhici karta in la kala cabsanaayo, sida muuqata waa adag tahay in taasi la helo xilli dhaw ama xitaa shirarka soo socda, waxaana waqti badan lagu lumin doonaa xal aan cidna raalli gelin doonin!!

4. Dad Isku Calool Xun Oo Isu Qoslaya: Shirkan kama duwaneen shirarkii Soomaalida 26-kii sano ee la soo dhaafay, dibadda ama dalkaba ka dhacay, marka kulan guud la fadhiyo waa la isu qoslayaa, waa la kaftamayaa, ma jirto cid is neceb, dadka waa walaalo….marka beel walba keligeed gooni u baxdo, waa mid dulman, waa mid ka tabaneysa cadaalad darro, waa mid cadaw lagu yahay…..arrintaas inta ay jirto dib u heshiisiin sooma dhowa!!

5. Mushkilado Siyaasadeed: Dadka qaar waxaa ay soo jeediyeen in dib u heshiisiinta beelaha ay ka horeeyaan in siyaasadda laga heshiiyo, oo haddii lagu heshiiyo taasi ay wax badan fududeyn karto.

6. In La Is Guursado: Mid ka mid ah xalka waxaa uu ahaa in la is guursado, tani waa caqabad kale oo aan si sahal ah wax looga qaban Karin, dhaqan iyo arrimo kale oo taariikhi ah ayaa soo galaayo, marka in xalka lagu gunaanado shir maalmo ka socday Muqdisho, waa arrintan aan xikmad badan ku jirin.

7. Haweenka Maxaa Shirka Loo Keenay?: In kasta oo dhibaatada dadka oo dhan ka wada sheeganayaan hadana haweenka dhibkooda ma sheegtaan, waa dad nugul, waxaa ay u hadlaan si guud, dhiirigelin ayey goobta u joogaan, sawirka qeyb ayey ka yihiin…laakin sida dhabta ah, haweenka runta kama hadli karaan, kalama qaban karaan reerka ay ka dhalatay iyo reerka ay u dhaxdo, ma sheegi karto cidda gar-daran…su’aasha maxaa shirka loo keenay?

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News