Khudbadda Uu Madaxweyne Farmaajo Ka Jeediyey Furitaanka Kalfadhiga Labaad Ee Golaha Shacabka
Goobjoog News, waxay idiin soo gudbineysaa khudbaddii uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyey furitaankii Kalfadhiga Labaad ee golaha shacabka, wuxuuna uga hadlay arrimo badan oo dalka quseeya.
Halkaan hoose ka akhriso khudbadda:
Assalaamu Caleykum Waraxma Tullaahi Wa Barakaatuhu
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Marka hore, waxaa mahad leh EEBBE oo noo suurto-geliyey inaan maanta oo ah Sabti, 8dii Luuliyo 2017-ka, isugu nimaadno kulanka furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamankii 10aad ee Juhmuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.
Marka labaad, waxaan u mahad-naqayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo fursaddaan qaaIiga ah i siiyey, si aan u furo kalfadhigaan, taas oo ka mid ah waajibaadkeyga Madaxweyne ee dastuuriga ah.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee Xilldhibaan Siciid Xasan Geeddi iyo Xildhibaan Cabbaas Cabdullahi Shiikh Siraaji oo inagala qeybgalay Kalfidhigii 1aad ee Golaha Shacabka. Ilaahay ha u naxariisto, ehelladoodiina samir iyo imaan haka siiyo.
Kalfadhigii hore, labada gole ee Baarlamaanku waxay si habsami leh u dhameystireen nidaamkii doorashada dalka iyo isbedelkii dowladda oo ay ku soo gunaanadeen Doorashadii madaxweynaha dalka iyo ansixintii Ra’iisul Wasaarraha iyo Golaha Wasiirrada. Waxaan kaloo u mahad-celinayaa Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada oo kaalin lama illaawaan ah ka qaatay suurto-gelinta isbadelkaas taariikhiga ah. Waxaa ilaahay mahaddiisa in si nabad iyo xasillooni ah uu noogu dhammaaday isbadelkaas.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Si aan uga mira-dhalinno balanqaadyadii aan u sameyney shacabka Soomaaliyeed iyo dareenkii ay muujiyeen bulshadu kadib doorashadii 8dii bisha feberaayo 2017 ka, waa inaan wada-shaqeyneynaa innagoo gacmaha isheysanna, una badalnaa taageerada iyo guubaabada shacabka wax-qabad mug leh. Waa inaan guulo la taaban karo ka soo hoyinnaa himilooyinka iyo rajooyinka shacabka, si dalka iyo dadku uga baxaan dhibaatooyinka raagaadiyay oo ay ugu horreeyaan nabad la’aanta, cadaalad-darrada, musuq-maasuqa iyo saboolnimada.
Dhibaatooyinkaan, waxaa looga bixi karaa inaan la nimaadno daacadnimo, firfir-cooni, wada-shaqeyn, daah-furnaan iyo isla-xisaabtan dhab ah oo dhexmara hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
In kastoo ay jiraan caqabado cul-culus, haddana waxaa hubaal ah in horumar la gaaray tan iyo markii ay dib-u-soo-laabatay dowladnimadii Soomaaliyeed. Balse, waqtigaan, hammiga iyo himilada shacabku wey ka duwan tahay middii hore. Wax-qabadka iyo horumarka nalaka filayo wuu ka baaxad weyn yahay midkii hore. Sidaa daraadeed, waa in dadaalkeenna iyo wax-qabadkeennu ka sii badnaadaan kuwii dowladihii iyo Baarlamaannadii naga horreeyey, si aan guul uga gaarno himilooyinka shacabka Soomaaliyeed nooga fadhiyaan.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Waxaan fursad u helnay in aan hoggaanka dalka qabanno. Waa mas’uuliyad aad u baaxad weyn oo ay nagu aamineen dadka Soomaaliyeed, kuwaas, oo innaga sugaya inaan ka dhabeyno ballan-qaadyadii aan si wadajir ah dusha u saaranay. Waxaa taariikhdu qori doontaa, isla markaasna shacabku nagu qiimeyn doonaan waxqabad-wadareedkeenna iyo guulaha si wadajir ah aynu uga soo hoyno xallinta dhibaatooyinka ragaadiyay ee dalkeenna iyo dadkeenna.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Muddadii koobneyd ee dowladdu jirtay, waxaa noo qabsoomay howlo dowladnimada muhiim u ah sida:
• Joogteynta mushaaraadka iyo gunnoooyinka hay’adaha kala duwan ee dowladda sida Barlamaanka, xukuukamdda, hay’adaha amniga iyo shaqaalaha rayidka ah
• Ka guul gaaridda xakameynta hubka sharci-darrada ah
• Howl-gelinta ciidammo gaar u ah nabadeynta Caasimadda
• Xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaalka ah iyo dowlado-goboleedyada.
• Qaadidda jid-gooyooyin sharci-darro ah oo lagu waxyeeleyn jiray shacabka
• Ka soo hoyinta guulo shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay London. Guulahaas oo ay ka mid yihiin in Qorshaha Horumarinta Qaranka lagu saleeyo mashaariicda ay maal-galiyaan deeq-bixiyayaasha
• Dib-u-hanashada saxiixa deeqaha ku baxa magaca Soomaaliya. Awooddaas oo muddo dheer gacanteenna ka maqneyd.
• Dhameystirka heshiiskii duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.
• Dib-u-soo-celinta duulimaadkii habeennimo ee garoonka Muqdisho.
• Dhameystirka dib-u-hanashada maamulka hawada Soomaaliyeed ka hor dhammaadka sanadka.
• Guul ka gaarista in aan heshiis la galno dhowr waddan oo ay ku dhibaataysnaayeen maxaabiis Soomaaliyeed si xurriyadoodii loogu soo celiyo. Dufcadii koowaad waxaan dib ugu soo celinaynaa maalmaha soo socda Insha Allaah.
• Dib u habeynta qaabka loo maareeyo bixinta kharashaadka dowladda.
• Qabsoomidda shirar gogol xaar u ah dib-u-heshiisiin dhab ah.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Waxaa kale oo na horyaalla howlo aad iyo aad u baaxad weyn. Howlahaasi, waa kuwa naga wada-dhaxeeya oo aan Golaha Shacabka la’aantiis horumar laga gaari karin. Howlahaas waxaa ka mid ah:
1) Dib-u-eegista iyo afti-u-qaadidda dastuurka,
2) Dhameystirka federaalaynta iyo dimuqaraadiyeynta dalka,
3) Hirgelinta Xisbiyo Siyaasadeed iyo gaaritaanka qof iyo cod 2021,
4) Dhisidda guddiyada madaxa-bannaan ee dastuuriga ah ee dhimman,
5) Go’aan ka gaaridda maqaamka Caasimadda,
6) Isla meel-dhigidda habka loo wadaagayo khayraadka dalka,
7) Dib-u-habeynta hay’adaha garsoorka, iyo
8) Ansixinta shuruucda hortabinta u leh Xukuumadda
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Dowladdu waxay xoogga saareysaa toddobada qodob ee soo socda:
1) Dib-u-xasilinta dalka;
2) Dib-u-habeynta garsoorka;
3) Dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha;
4) Dhameystirka federaaleynta & Dimuqaraadiyeynta dalka;
5) Xoojinta Xiriirka Caalamiga;
6) Dib-u-habeynta iyo tayenta hay’adaha dowladda;
7) Dib-u-heshiisiinta dadka Soomaliyeed.
Si aan higsigaas uga mira-dhalinno, waxaa lagama maarmaan ah in aan u abbaarno si wadajir ah. Waxaa xusid mudan in lixdaas qodob ay leeyihin ahmiyad siman, loona baahan yahay in dhammaantood laga gaaro natijooyin wax-ku-ool ah.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Nabad La’aani waa Nolol-la’aan. Sidaa daraadeed, aan ku hormaro hiigsiga dib-u-xasilinta dalka.
Si aan u gaarno, waxaan ku guda jirnaa ka howlgalka:
1) Dejinta shuruucda iyo qorshayaasha hay’adaha amniga
2) Wacyigelinta iyo dhaqan-celinta dhalinyarada marin-habaabsan iyo soo dhaweynta xubnaha ka soo laabta fikirka gurracan ee argagixisinimada;
3) Dardar-gelinta olalaha la dagaalanka argagixisada iyo fikirkooda gurracaan ee ay ku marin-habaabinayaan dadkeenna;
4) Dib-u-dhiska, isku-dhafka, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka qaranka iyo hay’adaha amniga, si aan u gaarno isku filnaansho ugana kaaftoonno ciidamada AMISOM ee hadda ina taakuleeya
5) Ka-hortagga maalgalinta iyo gacansiinta fikirka argagaxnimada.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
In amniga wax laga qabto waxay u baahan tahay istiraatijiyad ku saleysan geesinnimo, dhiirranaan iyo go’aan adeyg, si loo badbaadiyo qaranka. Annagoo taas ka duuleyna, waxaan abbaari doonnaa wadadii lagu heli lahaa hay’ado amni iyo ciidan wax-ku-ool ah, kuwaas oo kasban kara taageerada shacabka Soomaaliyeed.
Hay’adaha amniga iyo saraakiishooda, waxaa looga fadhiyaa sidii ay u dejin lahaayeen siyaasado iyo qorsheyaal shaqo oo waxtar leh, diiradana saara helista xog looga hortegi karo falalka amni darro ee lidka ku ah shacabka. Sidoo kale, fikirka cusub ee aan dooneyno wuxuu salka ku hayaa mabda’a ah in amnigu uu yahay danta guud, qof walbana laga doonayo in uu ka qeyb qaato. Si taas looga miro-dhaliyo, waxaa lagama-maarmaan ah sameynta dadaaal baaxad leh oo lagu abaabulayo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Dhismaha gaarsoor loo siman yahay waa hiigsiga labaad lamana gaari karo haddii aan la helin cadaalad iyo garsoor baahsan, kalsooni lagu qabo, dhowrana xuquuqda muwaadinka goob walba iyo goor kasta. Si hiigsigaas loo gaaro, waxaan bilownay qorshe ballaaran oo aan wax uga badaleyno garsoorka iyo cadaaladda. Waxaa xaqiiqa ah in ummadi gaari karin horumar, haddaysan lahayn nidaam cadaaladeed oo suga xuquuqda muwaadinka ilaaliyana naftiisa iyo hantidiisa. Waxaa kaloo hubaal ah in cadaalad-darradu ay qeyb weyn ka aheyd sababaha keenay burburka iyo is-aamin la’aanta aafesay midnimada iyo amniga ummadda Soomaaliyeed.
Si aan u gaarno waxaan ka howl-galeynaa:
1) Dhameystirka sharciyada iyo habraacyada khuseeya hay’adaha garsoorka
2) Dib-u-habeynta iyo tayeynta hay’adaha iyo howl-wadeenndada garsoorka
3) Hirgelinta nidaam garsoor oo baahsan, kaas oo saldhig u ah sarreynta sharicga
4) Isla-xisaabtanka iyo ciribtirka dhaqanka musuq-maasuqa iyo eexda
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Cadaaladda ma hormarin karno haddii aynaan si adag ula dagaalamin musuq-maasuqa iyo wax-isdaba-marinta. Sidoo kale, dowladdu ma gudan karto waajibaadkii loo idmaday inta uu musuq-maasuq ka jiro hay’adaha dowladda gaar ahaan kuwa garsoorka. Waxaan bilwonay in aan dib u habeyn ku sameyno hay’adaha garsoorka dalka si aan dib ugu hanano kalsoonida shacabka. Waxaa naga go’an ciribtirka dhaqanka musuq-maasuqa nuuc walba, heer walba iyo goob walba, si dib loogu hanto garsoor loo siman yahay, loona gaaro dowlad-wanaag iyo daahfurnaan.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo ah qodobka saddexaad, wuxuu u udub-dhexaad u yahay dabargoynta saboolnimada, iyada oo loo marayo kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, wax-soo-saarka, horumarinta tacliinta iyo caafimaadka iyo ka faa’ideysiga khayraadka dalka.
Saboolnimada ka jirta Soomaaliya ma’ahan mid dabiici ah ee waxaa abuuray colaadaha, iyo xasilooni-darrada ragaaday oo rajo-beel iyo darxumo ku noqday ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo danyarta.
Si aan uga mira-dhalinno dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan ku howlannahay:
1) Hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka
2) Dhiiri-gelinta maalgashiga iyo abuuridda jawi kordhiya dhaqdhaqaaqa ganacsiga
3) Dib-u-dhiska tiirarka dhaqaalaha gaar ahaan kuwa loo isticmalo wax-soo-saarka
4) Kobcinta iyo suuq-geynta khayraadka dalka, sida xoolaha, beeraha, kalluumeysiga iyo khayraadka dabiiciga ah
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Federaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta waxaa udub-dhexaad u yahay hirgelinta hannaanka doorashada qof iyo cod sanadka 2021, si loo gaaro dimuquraadiyad ku saleysan rabitaanka iyo awoodda-doorasho ee shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa ka soo wareegay 50 sano ku dhawaad doorasho xor ah oo dalka ka dhacda. Intii ka dambeysay waqtigaas, dalku wuxuu soo maray caqabado iyo dhibaatooyin badan oo wali saameyn ku leh dalka iyo dadkaba. Nasiib wanaag, sanadihii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay gaartay horumar la taaban karo dhanka doorashada xubnaha Baarlamanka iyo hoggaanka sare ee dalka. Doorashadii bilowga sanadkan, waxaa suurtogal noqday in Xildhibaanada intooda badan laga soo doorto dowlad-goboleedyadii iyo degaanadii ay wakiilka ka ahaayeen, si doorasho dadban ah.
Si aan u dardar-galinno howlaha federaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta, waxaan ku howlannahay:
1) Isla meel-dhiggidda qorshaha lagu fulinayo geeddi socodka dib-u-eegista dastuurka
2) Dhameystirka sharciyada iyo Guddiyada dhimman ee doorashooyinka Qof iyo Cod
3) Habka & Geeddi socodka loo hirgelinayo Nidaam Siyaasadeedka Xisbiyada badan
4) Go’aan ka gaaridda maqaamka Caasimadda
5) U diyaar-garowga tirakoobka, afti u qaadidda dastuurka, si loo gaaro doorashada qof iyo cod 2021
Waxaa xaqiiqa ah in howlo iyo dadaallo culusi ka horeeyaan gaaridda hiigsiga federaaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta dalka. Si aan uga gudubno caqabadaas, waa inaan u wajahno si wadaninimo iyo geesinimo leh.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Xoojinta xiriirka caalamiga waxaa saldhig u ah xiriir caalamiya oo miisaaman, ku saleysan isqadarin iyo isfaham, innaggoo mar walba horumarineyna danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Sidaa awgeed, waxaan xoojinay xiriirka aynu la leenahay caalamka, gaar ahaan waddamada aan deriska nahay, dowladaha Carabta, caalamka Islaamka, iyo wadamadda aan xiriirka dhow leenahay, dhanka iskaashiga nabadgalyada iyo dhaqaalaha, xiriirkaasi oo ah mid miisaaman, hormarinayana danta dalka iyo dadka.
Anigoo tixraacaya qoraalkii iga soo gaaray Guddoonka Golaha Shacabka 3dii bisha May 2017, kaas oo ku saabsanaa Heshiiska Barbara, waxaan caddeynayaa qodobadaan:
1) Sida ku cad dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed qodobkiisa 7aad, faqradiisa 2aad, 4aad iyo 5aad, waxaa waajib nagu ah illaalinta madax-banaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
2) Waxaan caddeynayaa in bilowga howlshaas ay ka horreysay 8dii feberaayo, 2017 kii. Sidaa awgeed, dowladdu waxay ku howlan tahay sidii ay u heli lahayd xog dhameystiran oo la xiriirta arrintaan.
3) Marka aan helno xog dhameystiran, waxaan la wadaagi doonnaa Golaha Shacabka iyo dhammaan hay’adaha ay khuseyso.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Dib-u-habeynta iyo tayenta hay’adaha dowladda oo ah hiigsiga lixaad, waxaa udub-dhexaad u ah helitaanka hay’ado dowladeed oo ku shaqeeya nidaamka iyo sharciga dalka, si hufanna u guta waajibaadkooda shaqo. Hay’adaha dowladda waxaa saamayn baahsan ku yeeshay burburkii muddadii dheereyd ee dowlad la’aanta aan aheyn.
Si loo meel-mariyo barnaamijyada iyo qorshe-howleedyada dowladda, waxaa lama huraan ah in dib loo yagleelo haykalkii hay’adaha dowladda.
Si aan u gaarno higsigaas, waxaa lagama maaraan ah:
1) In qiimeyn baaxad leh lagu sameeyo tayada, baahida iyo caqabadaha horyaal Hay’adaha Dowladda;
2) In la hirgeliyo habraac & hannaan saldhig u noqda maamulka iyo maareynta shaqaalaha iyo hay’adaha dowladda;
3) In la kordhiyo tayada shaqaalaha rayidka ah, laguna kabo xirfadley iyo xeel-dheerayaal;
4) In la dayac-tiro xarumaha Wasaarradaha lana howl-geliyo aaladaha teknoolajiyada.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Haddaba, si aan u xaqiijinno ballan qaadyadeennii, waxaan ka codsanaya Golaha Shacabka ee sharafta leh in ay ansixiyaan 15ka hindise-sharciyeed oo ay dhawaan Xukuumaddu idin hor keeni doonto. Waxaan kalsooni weyn ku qabaa in haddii hay’adaha dastuuriga ahi ay ka wada ambaqaadan hadaf mideysan aynu gaarneyo natiijooyinka waxqabad ee shacabku naga filayaan.
Ugu dambeyntii, waxaan ku dhawaaqayaa in uu si rasmi ah u furan yahay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamankii 10aad ee Juhmuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
SOOMAALIYA HANOOLAATO