Akhriso: Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada Ee Golaha Shacabka Hor-yaallo

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa September 23-keedii waxaa ay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya hor-keentay hindise sharciyeedyo 15 ah uu ku jiro “Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada”.
Hadaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa hindise sharciyeedkaasi la filayo in uu wax ka badan ka badalo dembiyada lagu oogo dadka ku kacaya falal argagisixada ah.
Qeybta 1aad: Hordhac
Wa Amniga GudahaWaxay soo BandhigaysaaSharciga La-Dagaallanka argagixisadaoo ah side soo socata:
1) IN MARKASTA MAANKA LAGU HAYO: xuquuqaha qofka sida ku cad Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya;
2) IN MARKASTA LA AQOONSADO: xuquuqda eedaysanuhu leeyahay ee ku xusan qodobbada 34-aad iyo 35-aad ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
3) IN LAGA WAR QABO: xaqiiqada ah in argagixisadu ay halis ku tahay xasilloonida Soomaaliya, shaqeynta sharciga iyo xaqa muwaadiniintu u leeyihiin in ay si xor ah u noolaadaan iyo in ay nabadgelyo haystaan; dhabnimada in argagixisadu ay halis ku hayso nabadgelyada gobolka iyo tan dunida iyo in la aqoonsado baahida dhaqsaha ah ee loo qabo in la baaro dembina lagu oogo dadka ku kacaya falal argagisixo;
4) IN UJEEDDADU NOQOTO: in la adeegsado sharciga iyo tallaabooyin waafaqsan dastuurka si looga hortago in argagixisanimadu ku fiddo gudaha iyo meelaha ka baxsan Soomaaliya; iyo in kama dambaysta la cirib-tiro argagixisanimada; iyo
5) IYADOO XIL KA SAARANYAHAYWASAARADDAAMNIGA GUDAHA in ay soo saarto xeerkan iyo dib-u-eegista lagu sameynayo sharcigan taasoo loo gudbinayo Golaha Sharci-dejinta.
Qodobka 2aad: Ujeeddada Xeerkan
Xeerkan waxaa lagula dagaallamayaa argagixisada, waxaana lagu xakamaynayaa fal-dernbiyeedyada ka dhasha argagixisada, iyadoo caddaaladda lagu horgeynayo argagixisada lana dhawrayo sarraynta sharciga dalka iyo xuquuqda aadanaha.
Eray-bixin
Qodobka 3aad: “Fal Argagixiso”
1) “Fal argagixiso” haddii uusan sharcigu si kale u sheegin waxaa loola jeedaa: ficil ama fal hanjabaad ah oo ka dhaca gudaha ama dibadda dalka Soomaaliya taasoo ay ka dhalato mid kamid ah arrimaha soo socda:
- a) Dhimasho nafeed ama dhaawac jireed oo soo gaara qof ama shakhsiyaad;
- b) In halis la geliyo nolosha cid kale oo aan ahayn cidda ku kacaysa ama fulinaysa falka;
- c) Qabashada, af-duubka, hanjabaad, dil, dhaawac ama in xabsi lagu sii hayo qof kale;
- d) In la abuuro xaalad halis ah oo saamaysa nolosha 1yo badbaadada dadweynaha ama qeyb kamid ah dadweynaha;
- e) Dhaawac ama dhibaato soo gaarta hantida dadweynaha ama .hantida gaarka loo leeyahay, oo ay ku jirto goobo dadweynuhu isticmaalo, dhisme dawladeed, nidaamka gaadiidka dadweynuhu adeegsado, dhaawac gaara kaabayaasha ama degaanka;
- f) Qabsashada ama af-duubid diyaarad, markab, doon ama gaadiid nooca uu doono ha ahaadee bad, berri iyo cir iyo in lagu hanjabo in khasaare hanti iyo naf la gaarsiiyo;
- g) In la adeegsado hub ama waxyaalaha qarxa;
- h) In lagu hanjabo ama lagu sii daayo degaanka ama qeyb karnid ah ama in lagu baahiyo ama loo banclhigo dadweynaha ama qeyb kamid ah dadweynaha halis nooca ay doonto ha ahaatee, khatar, walax shucaac leh ama sun halis ah nooca ay doonto ha ahaatee;
- i) Wax kasta oo loo qaabeeyey ama loola clan leeyahay in lagu carqaladeeyo nidaam kombuyuutar ama bixinta adeegyacla toos xiriir ula leh agabyacla kaabayaasha, isgaarsiinta, bangiyada ama adeegyada maaliyacleed, acleegyada korontada, biyaha iyo tamarta arna kaabayaasha kale ee muhiimka ah;
- j) Wax kasta oo loo qaabeeyey ama loola clan leeyahay in lagu carqalacleeyo bixinta adeegyada degclegga ah ee muhiimka ah sicla acleegga booliska, difaaca maclaniga ah ama adeegyada caafimaad ama weerar lagula kaco adeegyadan; iyo
- k) Falalka loo qaabeeyey ama loola clan leeyahay in lagu carqalacleeyo, lagu xannibo hawlaha ciidamada Soomaaliya iyo xoogaga hubaysan ama weerar loo gaysto ama xacl-gudub qalalaase wata oo lagu sameeyo xarumahooda, agabkooda ama gaacliidkooda.
2) In loola jeedo, ama marka la fiiriyo noociisa ama xaaladdiisa, si macquul ah loogu tixgelin karo in lala damacsanaa:
- a) In handadaad loo geysto dadweynaha ama qeyb kamid ah dadweynaha; ama b) ku qasbo dawlad ama urur caalami ah in ay sameyso, ama ay ka waantowdo sameynta fal; ama
c)In si khatar ah loo qaso ama la baabi’iyo sharafta, madax-bannaanida, midnimada ama qaab-dhismeedka asaasiga ah ee siyaasadeed, dastuur, dhaqaale ama bulsho ee Soomaaliya.
3) Fal kasta oo carqalad ku ah adeegyada madaniga ah loona fuliyo la rabo in la sameeyo bannaan-bax nabad ah, mucaaradid, diidmo, ama joojin Shaqo, sida ku Cutubka 2aad ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah. Waxaa, aan lagu gafayn fal-dembiyeed kale oo ka dhalan kara falka, loo arki doonaa in aanu ahayn fal argagixiso marka la fiiriyo macnaha qeexitaankan, ilaa inta falkani aanu ahayn mid loola jeedo in ay ka dhalato wax halis ah ama dhaawac ah sida kuwa lagu xusay faqradda 1(2) ee qodobkan.
4) Falalka ama hanjabaadaha falalka ku xusan faqraddal(a) ee qodobka iyaga oo aan ahayn qaar ku gabood falaya xad-gudubyada ku xusan xeerka ciqaabta iyo waxyaalaha ku qoran qodobka 13”d iyo qodobka 14″c1 ee xeer-ciqaabeed ku dabaqmi doonaan marka la fiiriyo dhanka baaxadda waxyaalaha ku qoran xeerkan,
Qodobka 3aad: Koox argagixiso iyo hantideeda
- 1. “Koox argagixiso ah” waxaa loola jeedaa –
(a) cid ujeeddooyinkeeda ama hawlaha ay qabato ay kamid yihiin sarneynta, abaabulidda, ku-dhiirrigelinta, ku-qancinta fududaynta fulinta fal argagixiso; ama
- “Hanti argagixiso leedahay”waxaa loola jeedaa –
(a) Dakhli iyo raasumaal loo adeegsado fulinta fal argagixiso;
(b) Lacag ama hanti loo adeegsado, loo adeegsanayo, ama ay muuqato in loo adeegsan karo/ doono fal argagixiso.
(c) Lacag ama hanti ay adeegsadeen, adeegsanayaan, arna adeegsan rabaan shakhsi ama koox argagixiso; ama
(d) Han ti ay leedahay /leeyahay ama ay maamusho ama lagu maamulo magaca koox ama shakhsi argagixiso ah, si toos ah ama dadban.
Qodobka 4aad: Qeexitaanno kale
1) “lsgaars in“waxaa loola jeedaa xiriir lagu helay ama lagu gudbiyey boosto, taar,
telefoon, qaab internet elektaroonik ah ama xiriir kale oo lagu helay ama lagu gudibyey koronto, magnet, elektaroonik ama qaab kale.
2) “Bixiyaha adeegga isgaarsiinta“waxaa loola jeedaa qof bixiya adeegga gudbinta ama qabashada xiriirada.
3) “Cid” waxaa loola jeedaa qof, koox, iskaashato, shirkad, urur, sanduuq ama xiriir aan sharci ahayn.
4) “Aalad qaraxda ama wax kale oo wax dila”waxaa loola jeedaa:
- a) \Xlax qarxa ama hub olala ama aalad loo qaabeeyey oo itaal iyo awood u leh in ay sababto dhimasho, dhaawac jireed oo halis ah ama dhaawac la taaban karo oo soo gaara alaab; ama
- b) Hub, ama aalad loo qorsheeyey ama loogu talagalay ama leh awood sababi karta dhimasho, dhaawac jireed oo halis ah ama waxyeello weyn oo soo gaarta alaab.
5) “Hay’ad-maaaliyadeed”waxaa loola jeedaa bangi ganacsi, ama hay’ad kastoo kale oo bixisa deyn, lacago hormarin ahaan u bixisa ama maalgelin ama aqbasha in lacago la dhigto iyadoo dadweynuhu dhiganayaan lacagahaas si ay ugu kaydsadaan ama ugu dirsadaan.
6) “Sagxad Sugan”waxaa loola jeedaa jasiirad la sameeyey, ama dhisme ku dhegan salka badda kaas oo u jeeddada laga leeyahayna tahay sahaminta ilaha ama ujeeddooyin kale oo dhaqaale.
7) “Agab kaabe ah”waxaa loola jeedaa agab kasta oo gaar loo leeyahay ama dadweynaha ka dhexeeya kaasoo loo adeegsado bixinta ama Qeybinta adeegyada dadweynaha loogu fa’aiidaynayo, sida biyo, bullaacado, tamar, shidaal ama isgaarsiin, jidad, gaadiid ay ku jiraan gegooyin diyaaradeed, adeegyo-maaliyadeed, bangiyo iyo adeeg kasta oo kale.
8) “Qof leh xasaanad”waxaa loola jeedaa:
- a) Madax-dawladeed, oo ay ku jiraan xubnaha matalaya ee qabanaya hawl Madaxweyne dal kale marka la fiiriyo dastuurka Dalka ay khusayso, Madax• Xukuurnadeed ama Wasiiirka Arrirnaha Dibadda, diblomaasiyiin, mar kasta ooqof noocaas ahi uu joogo dal shisheeye, isaga iyo sidoo kale qoyskiisa ku weheliya safarka; ama
- b) Qof kasta oo metala ama sarkaal-dawladeeed ama sarkaal kasta ama wakiil urur caalami ah oo dawlado ka dhexeeya ama wada leeyihiin kaasoo, goorta iyo goobta fal-dembiyeedka ka dhanka ah isaga rnarkii lagu fuliyey, dhismihiisa rasmiga ah, hoygiisa gaarka ah, ama gaadiidkiisa xaq u lahaa marka la fiiriyo xeerka caalamiga ah in uu helo ilaalin gaar ah oo laga ilaalinayo weerar lagu qaado isaga, xorriyaddiisa ama sharaftiisa, iyo sidoo kale weerar lagu qaado xubnaha ehelkiisa qeybta ka ah qoyskiisa.
- c) Qof kasta oo dastuurka ku-meelgaarka ahi u aqoonsado inuu xasaanad dastuuri ah leeyah
9) “Naakhuude ama Kabtan” marka laga hadlayo doonyaha, waxaa loola jeedaa milkiilaha ama qofka (marka laga reebo mas’uulka dekedda ama naakhuudaha) waqtigala joogo ka mas’uul ah ama ka taliya doonta.
10) “Taageero la taaban karo Agab iyo Ilo”waxaa loola jeedaa hanti kasta, mid la taaban karo iyo mid aan la taaban karin, amaadeegaas oo ay ku jirto lacag ama wax lagu kala iibsado oo lacag iyo maaliyad la xiriira, goobo la seexdo, tababar, talo khibrad ku dhisan ama kaalmo, bakhaaro, dokumentiyo been abuur ah ama aqoonsi, agab isgaarsiineed, agabyo, hub, walax dilaa ah, walxo qarxa ama shaqaale.
11) “Wasiir”waxaa loola jeedaaWasiirka wasaaradda u xil-saaran Arnniga.
12) “Duuliye ama Hage” marka laga hadlayo diyaarad, waxaa loola jeedaa duuliyaha, milkiilaha ama qofka waqtigaas ka mas’uulka ah ama maamula diyaaraddaas.
13) “Raasamaa“l ama “Kayd” waxaa loola jeedaa hanti kasta noocay doontaba ha ahaatee, hanoqoto Mid maguuro ah ama guurto ah la taaban karo ama aan la taaban karin, sidii la doonaba halagu helo, iyo dokumentiyo sharci arna xeerar qaabka ay doonaanba ha ahaadeene kuwaasoo ay ku jiraan elektaronik ama sawir caddeynaya lahaansho ama dan, hantidaas oo ay ku jirto balse aanku koobnayn lacag caddaan ah, jeegagga safarka, jeegag, amarro lacag bixin, saamiyo, curaar, qoraal ballanqaad amrnaah iska-bixin, waraaq deymeed (LC) iyo wixii dul-saar, faa’iido, ama dakhli kale ah.
14) “Markabama doon’iwaxaa loola jeedaa gaadiidkasta oo loogu talagalay in meel lagu geeyo dad ama hanti iyadoo la adeegsanayo biyo (bad, webi iyo haro).
15) “Shay cayiman” waxaa loola jeedaa jiritaan khuseeya sida waafaqsan
Qodobka 30aad ee sharcigan.
16) “dhaawac jireed oo halis ah iyo waxyeello”waxaa loola jeedaa:
a)Dhaawac jireed oo daran;
- b) Bur bur ballaaran oo soo gaara goob dadweyne, agab dawladadeed ama dal, kaabe, ama nidaamka gaadiidka dadweynaha, kaasoo ay ka dhalanayso khasaare dhaqaale; ama
c). Dhaawac weyn oo soo gaara degaanka, oo ay ku jirto hawada, ciidda, biyaha ama dhirta iyo xoolaha.
17) “Agab-dawladeed ama dal” waxaa loola jeedaa agab waara ama mid ku-meel-gaar ah oo uu adeegsado ama deganyahay wakiil dal, xubin Dawladeed, sharci-dejin ama garsoor ama saraakiil ama shaqaale-dawladeed
ama cid ama shaqaale urur dawlado ka dhexeeya iyaga oo u adeegsanaya arrimo la xiriira waajibaadkooda.
18) “Hub” waxaa ku jira qori, rniddi (haddii loo adeegsado fal argagaixiso), walax qaraxda, kimiko, mid bayooloji, ama hubka nukliyerka ah.
19) “Sarkaal” waxaa loola jeedaa sarkaal amni oo awood loo siiyey inuu baaro kana hawl-galo dembiyada argagixisada.
20) “Maxkamad Awood u leh” waxaa loola jeedaa Maxkamadda Gobolka.
21) ”Diyaar-garoow” waxaa loola jeedaa isu-diyaarin qorshayn iyo fulin fal argagixiso.
Qeybta 2aad -Fal-dembiyeedyada ama Xad-Gugudbyada
Qodobka 5aadd: “Fal-Argagixiso” Qof kasta oo:
- a) u gays ta si ula-kac ah fal argagixiso sida ku qeexan qodobka 1 and ee sharcigan, oo keena dhaawac iyo dhimasho wuxuu mutaysanayaa dil sida ay qabaan diinta islaamka iyo xeerka ciqaabta Soomaliyeed ee dalka (XCS)
- b) bilaaba, dhiirri-geliya, fududeeya, lacag ku bixiya ama kaalmeeya fulinta fal argag1xiso, wuxuu mutaysan doonaa xabsi muddo dhan 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im.
Qodobka 6aad: Haysashada walax ama walxo la xiriira argagixisoa) : Qof kasta oo isagoo og haysta walax abuuri karta tuhun macquul ah in waxa qofku haystaa ay tahay mid lala damacsan yahay arna loo haysto ujeeddooyin la xiriira fulinta, diyaar-garowga ama bilaabista fal argagixiso, qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub lagu mutaysan karo ciqaab xabsi oo gaaraysa muddo 10 (toban) sano ah; iyo
- b) Waxa difaac u noqonaya qof lagu eedeeyey xad-gudub marka la fiiriyo qodobkan ku jira faqradda (a) in uu caddeeyo in wuxuu haysto oo walaxda ahi aanay ahayn mid lala damacsanaa ama lala xiriirin karo fulinta, udiyaar garowga ama bilaabista fal-argagixiso.
Qodobka 7aad: Ururinta Xog
- Qof kasta isagoo og:
(a) Ururiya ama qoraal ka sameeya, qoraalkaas oo ay ku jiraan sawiro ama elektaronik, oo ah xog nooceeda ay suura-gal tahay in ay faa’iido u yeelato qof raba in uu fuliyo ama u diyaarinaya fal-argagixiso; ama
(b) Haya dokumenti ama qoraal ay ku jirto xog loo adeegsan karo fal-argagLxiso, waxa qofkaasi sameeyey xad-gudubwaxaanu mutaysanayaa xarig muddo 5 (shan) sano ah,
(c) Difaac ayey qofka lagu eedeeyey xad-gudubka u noqonaysaa marka la fii.riyo Qeybtan in uu caddeeyo in uu sabab macquul ah u haysto (ururinta) ama haysashada.
Qodobka 8aad: Diyaar-garow
Qof kasta oo ku lug leh, sida ay doontaba ha noqotee, diyaar-garowga fulinta fal• argagixiso si ula-kac ah wuxuu noqonayaa mid sameeyey fal-dembiyeed waxaanu mutaysanayaa xabsi muddo gaaraysa 4 (afar)ilaa 10(tobon) sano.
Qodobka 9aad: Hagidda fulinta fal argagixiso
Qof kasta oo isagoo og haga ama ku amra qof in uu fuliyo fal argagixiso wuxuu qofkaasi ku kacay xad-gudub waxaana mutaysanayaa xabsi muddo 10 (toban) ilaa 20 (labaatan) sano ah.
Qodobka 10aad:, Xubin Ka-noqoshada Koox Argagixiso
- 1. Qof kasta oo isagoo og xubin ka ah, ama sheega in uu xubin ka yahay urur argagixiso ah wuxuu qofkaasi sameeyey xad-gudub waxaanu, marka lagu caddeeyo ka dib, mutaysan doonaa qofkaasi xabsi muddo dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano.
- \Vaxaa difaac u noqon kara qofka lagu eedeeyey xad-gudub marka la fi.iriyo faqradda (1) ee Qodobkan in uu caddeeyo in cidda lagu eedeeyey uu xubin ka yahay aanay ahayn urur argagixiso goorta ama taariikhda uu isagu ama iyadu xubin ka noqotay ama sheegtay in uu xubin ka yahay ciddaas, iyo in aanu isagu ama iyadu wax qeyb ah ka qaadan hawlaha ciddaas, markii ay noqotay urur argagixiso ka
- 3. Marka la go’aaminayo in qof xubin ka yahay urur argagixiso iyo inkale, maxkamaddu waxay tixgalin kartaa arrirnahan soo socda:
- a) Haddii ay jirto sabab macquul ah oo lagu aamino in qofka la dacweeyey uu u hanqal taagayo mabaadi’da kooxdaas argagisida ah;
- i) b) Haddii eedaysanuhu isagoo og uu ka helay lacag ama agab urur argagixiso ah;
- ii) c) Haddii eedaysanuhu uu qaatay magaca, midabka, astaanta, luqadda, calaamadda ama wax kale oo matala lalana xiriiriyo urur argagixiso; iyo
iii) d) Haddii eedaysanuhu isagoo og xiriir la yeesho xubno la ogyahay oo ka tirsan urur argagixiso ah.
Qodobka 11aad: Qorista Dad Xubno Ka-noqda Kooxo Argagixiso ama Ka-qeyb qaata Falal-argagixiso
Qof kasta oo isagoo og oggolaada in uu kamid noqdo, ama cid kale ku soo dara gudaha iyo dibedda dalkaba-
(a) Inay kamid noqdaan koox argagixiso; ama
(b) Inay ka qeyb qaadato fulinta fal argagixiso, wuxuu qofkaasi ku kacay xad-gudub waxaanu mutaysan doonaa xabsi dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano ah.
Qodobka 12aad: Bixinta ama Helidda Tababar Argagixiso (tababare iyo la tababare) Qof kasta oo isagoo og:
1) bixiya tilrnaan ama tababar ku saabsan xirfad, xirfadahaas oo ay ku iiraan balse aan ku koobnayn –
- a) sameynta iyo ka shaqaynta wax kasta oo qarxi kara ama sun ah;
(i) b) adeegsiga qaabkasta ama hab kasta oo loo sameyn karo wax kasta oo kale oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay fulinta ama fududaynta fulinta fal• argagixiso; ama
(ii) c) sameynta layliyada milatari ama dhaqdhaqaadooda; isagoo og waqtiga uu bixinayo tilmaamaha ama tababarka in qofka uu siinayo tilrnaamaha ama tababarku uu rabo in uu u adeegsado xirfadahaas loo tilmaamay ama lagu tababaray arrimo la xiriira argagi.xiso ama uu rabo in uu ku fuliyo fal• argagixiso ama uu ku kaalmeeyo fulinta ama u diyaarinta dad kale inay fuliyaan fal noocaas ah ama xad-gudub, qofkaasi wuxuu sameeyey xad• gudub wuxuuna mutaysanayaa xabsi muddo u dhaxaysa 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im iyadoo garsooruhu uu tixgalinayo xaaladaha dambiga fududeeya ama cusleeya ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.(XCS)
2) Qof kasta oo hela tilmaamo ama tababar nooc kasta oo kamid ah xirfadaha lagu xusay faqraddal”ad(a) ee sare isagoo waqtiga uu tilmamaha ama tababarka qaadanayana ujecddadiisu tahay in uu u adeegsado tilrnaamahaas la siiyey fal• argagixiso ama arrimo la xiriira fulinta ama u diyaar-garowga falal argagixiso ama ugu kaahnaynta kuwa kale in ay fuliyaan falal noocaas ah qofkaasi wuxuu galay xad• gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi muddadiisu dhan tahay 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im.
Qodobka 13aad: Abaabulka ama Dhiirri-gelinta Fulinta Pal Argagixiso
1) Iyadoo la tixraacayo qodobada 18”d iyo 38″d ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo xaqa xorriyadda loo leeyahay in la cabbiro fikir, waxay noqonaysaa xad-gudub in qof si ula-kac ah:
(a) U abaabulo, tebiya codadkooda, tebiya war aan dhab ahayn, xayeysiiya, buun-buuniya ama dhiiri-geliya si kastaba in lagu kaco fal argagixiso; ama
(b) in uu abaabulo ama dhiirri-geliyo si kastaba in xubin laga noqdo urur argagixiso.
2) Qofkaasina wuxuu mutaysanayaa, haddii aanu noqon falkaasi mid keena xadgudub ka culus, xabsi dhan 3 (saddex) ilaa 10 (toban) sano.wxuxuu qofkaasi ku kacay xad-gudub waxaanu mutaysan doonaa xabsi dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano ah.
Qodobka 12aad: Bixinta ama Helidda Tababar Argagixiso (tababare iyo la tababare) Qof kasta oo isagoo og:
1) bixiya tilmaan ama tababar ku saabsan xirfad, xirfadahaas oo ay ku )ltaan balse aan ku koobnayn –
- a) sameynta iyo ka shaqaynta wax kasta oo qarxi kara ama sun ah;
(i) b) adeegsiga qaabkasta ama hab kasta oo loo sameyn karo wax kasta oo kale oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay fulinta ama fududaynta fulinta fal• argag1xiso; ama
(ii) c) sa.tneynta layliyada milatari ama dhaqdhaqaadooda; isagoo og waqtig-a uu bixinavo tilmaamaha ama tababarka in qofka uu siinayo tilmaamaha arna tababarku uu rabo in uu u adeegsado xirfadahaas loo tilmaamay ama lagu tababaray arrimo la xiriira argagixiso ama uu rabo in uu ku fuliyo fal• argagixiso ama uu ku kaalmeeyo fulinta ama u diyaarinta dad kale inay fuliyaan fal noocaas ah ama xad-gudub, qofkaasi wuxuu sameeyey xad• gudub wuxuuna mutaysanayaa xabsi muddo u dhaxaysa 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im iyadoo garsooruhu uu tixgalinayo xaaladaha dambiga fududeeya ama cusleeya ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.(XCS)
2) Qof kasta oo hela tilmaamo ama tababar nooc kasta oo kamid ah xirfadaha lagu xusay faqraddal””d(a) ee sare isagoo waqtiga uu tilmamaha ama tababarka qaadanayana ujeeddadiisu tahay in uu u adeegsado tilmaamahaas la siiyey fal• argagixiso ama arrimo la xiriira fulinta ama u diyaar-garowga falal argagixiso ama ugu kaalmaynta kuwa kale in ay fuliyaan falal noocaas ah qofkaasi wuxuu galay xad• gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi muddadiisu dhan tahay 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im.
Qodobka 13aad: Abaabulkaama Dhiirri-gelinta FulintaFal Argagixiso
1) Iyadoo la tixraacayo qodobada 18″‘” iyo 38″d ee Dastuurka ku-rneel-gaarka ah iyo xaqa xorriyadda loo leeyahay in la cabbiro fikir, waxay noqonaysaa xad-gudub in qof si ula-kac ah:
(a) U abaabulo, tebiya codadkooda, tebiya war aan dhab ahayn, xayeysiiya, buun•
buuniya ama dhiiri-geliya si kastaba in lagu kaco fal argagixiso; ama
(b) in uu abaabulo ama dhiirri-geliyo si kastaba in xubin laga noqdo urur argagixiso.
2) Qofkaasina wuxuu mutaysanayaa, haddii aanu noqon falkaasi mid keena xad-gudub ka culus, xabsi dhan 3 (saddex) ilaa 10 (toban) sano.
Qodobka 14aad: Fulinta ‘Shirqool’ Xad-gudub ku ah Sharcigan
- a) Heshiis ama is-afgarasho kasta oo dhexmara laba qof ama ka badan si ay u fuliyaan “fa! argagixiso” ama fal kale oo xad-gudub ku ah sharcigan waxa, iyadoo la eegayo qodobka 76′”d ee xeerka ciqaabta, loo ciqaabi doonaa in uu yahay shirqool in la fuliyo fa! ama xad-gudub iyadoo haddii aan la fulin falkaas ama xad-gudubka ay weli ka dhalan doonto ciqaab xabsi muddo dhan 3 (saddex) ilaa 10 (toban) sano.
- b) Qof kasta oo shirqool maleega isagoo la kaashanaya qof kale dalka Soomaaliya gudihiisa meel kamid ah si uu uga fuliyo fal meel ka baxsan dhulka Soomaaliya, kaasoo ah fal haddii lagu sameeyo Soomaaliya dhexdeeda noqon lahaa mid loo arko xad-gudub marka la fiiriyo sharcigan, waxaa loo arki doonaa qofkaasi in uu shirqool malecgay oo uu doonayey in uu falkaas ka fuliyo Soomaaliya dhexdeeda; iyo
- c) Qof kasta oo la fuliya shirqool qof kale meel ka baxsan dalka Soomaaliya si uu fol uga sarneeyo dhulka Soomaalida falkaasoo marka la fiiriyo Sharcigan noqonaya xad-gudub waxaa loo arki doonaa shirqool laga fuliyey Soomaaliya gudaheed
Qodobka 15aad: Is-hortaag-caddaaladeed
(1) Qof kasta oo si ula-kac ah isugu daya in uu hor-joogsado, weeciyo arna buriyo cadaaladda waa qof xad-gudub ku kacay marka la fiiriyo xeerkan.
(2) Qof kasta oo markhaati ah ama sarkaal dawladeed ah oo ku lug !eh dacwad socota oo sharcigani ku dabaqmo oo si ula-kac ah:
(a) u adeegsada xoog ama hanjabaad;
(b) u hanjaba ama isku daya in uu u hanjabo;
(c) ka joojiya ama isku daya in uu ka joojiyo in uu bixiyo caddeyn; (d) ku qasba in uu keeno caddeyn been ah;
(e) fara-gelin ku sameeya bixinta caddeynta;
(f) fara-gelin ku sameeyo bixinta caddeyn si uu u carqaladeeyo habraaca garsoorka;
(g) u ballan-qaada, siiya nacfi ama wax-dheef; ama
(h) qariya, degaan ka ijaara, marti-geliya qof si mug leh loogu tuhunsan yahay argaguasanrumo.
(3) \'(i’uxuu qofkaasi sameeyey xad-gudub uu ku mutaysanayo ciqaab xabsi oo u dhexeeya 2 (labo) ilaa 5 (shan) sano.
Qodobka 16a•d: Waajibka In La Daah-Furo Xogta La Xiriirta Xad-gudubyada ama Falalka Argagixiso
- 1. Qof kasta oo haya xog gacan ka geysan karta in:
(a) Laga hortago in qof kale sameeyo “fal argagixiso”; ama
(b) La xiro ama dacwad lagu soo oogo qof kale oo xad-gudub sameeyey marka la fiiriyo Sharcigan, wuxuu si aan dib-u-dhac lahayn ugu daah-furi doonaa xogtaas askari ama sarkaal ciidanka amniga ah.
- 2. Ma jiro wax ku jira faqradda laad ee qodobkan oo khasab ka dhigaya in la daah- furo xog dhawrsan.
- Dacwad madani ah iyo mid dembiyeed toona laguma soo oogayo, qof haddii uu xog ku daah-furay niyad-sami, marka la furiyo faqradda 1 and ee qodobkan.
- 4. Qof kasta oo u hoggaansami waaya faqradda 1 and ee xeerkani wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi muddo aan ka badnayn ilaa 3 (saddex) sano.
Qodob 17aad: In Loo Raadiyo Arna La Siiyo Taageero Kooxo Argagixiso Si Loo Fuliyo Fal Argagixiso
- Qof kasta oo isagoo og, qaab kasta:
(a) Ugu raadiya taageero, arna siiya taageero agab ama ilo sida ku qeexan qodobka 3aad ee Sharcigan, urur agagixiso; ama si loo fuliyo fal argagixiso; ama
(b) Qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna haddii aanu falkiisu noqon mid halis ah, noqon doonaa mid mutaysta xabsi muddo ilaa 5 (shan) sano ah.
- Taageerada, rnarka la fiiriyo faqradda 1 aad ee Qodobkan waxaa kamid ah, balse aan ku koobnayn:
(a) In la oggolaado in la bixiyo, arna bix.inta dokurnentiyo safar oo la been abuuray iyadoo dokumentiyadaas la siinayo xubin ka tirsan koox argagixiso;
(b) In la oggolaado in la bixiyo, ama bixinta xirfad arna khibrad looga faa’iidaynayo, ama loo jihaynayo ama lala sameynayo koox argagixiso ah;
(c) Gelidda ama ku negaashaha dal si loogu faa’iideeyo iyadoo a.mar laga helayo a.ma xiriir lala leeyahay urur argagixiso ah gudaha iyo dibaddaba; ama
(d) Fal-dembiyeedyada ku xusan Xarfaha a, b iyo c ee farqadda 2″” ee qodobkan waxay isku si ugu dabaqmayaan argagixisada Soomaalida ah iyo ajnabigaba.
- 3. Qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna mutaysan doonaa xabsi u dhaxeeya 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’im.
Qodobka 18aad: U Adeegsiga Han ti ama Lacag si loo Fuliyo F alal Argagixiso
- Qof kasta oo si ula-kac ah:
(a) Isticmaala hanti ama lacag, taos ama dadab, gebi ahaan ama qeyb ahaan, iyadoo ujeeddada uu ka leeyahayna tahay fulinta ama fududaynta in la fuliyo fal argagixiso; ama
(b) Haysta hanti ama lacag loola clan leeyahay in loo adeegsado ama la ogyahay in loo adeegsan doono ama ay jirto sabab macquul ah oo looga shakiyo in loo adecgsan karo, si taos ah iyo si dadbanba, gebi ahaan iyo qeyb ahaan ujeeddo ah in lagu fuliyo ama lagu fududeeyo fulinta fal argagixiso.
- Qofkaasi wuxuu sameeyey xad-gudub, wuxuuna haddii aanu falkiisu noqon mid halis ah, noqon doonaa qof mutaysta xabsi muddo dhan 10 (to ban) ilaa 15 (shan iyo toban) sano.
Qodobka 19aad: Af-duubka gaadiidka cirka, badda iyo dhulka
1) Qof kasta oo saaran diyaarad hawada ku jirta kaasoo maamulka diyaaradda kula wareega xoog, hanjabaad sameeya ama nooc kasta oo handadaad ah, wuxuu mutaysanayaa ciqaab xabsi oo dhan 20 (labaatan) sano ilaa xabsi daa’im.
2) Qof kasta oo saaran markab ama doon kaasoo maamulka xoog kula wareega, hanjabaad sameeya ama nooc kasta oo handadaad ah haddii aysan ka dhalan dembiyo ka culus ujeeddadiisuna tahay argagixiso wuxuu mutaysanayaa ciqaab 10 (toban) ilaa 15 (shan iyo toban) sano.
3) Qof kasta oo gaadiidka dhulka af-duub kula wareega ama wax ku af-duuba isagoo ujeeddadiisuna tahay fulin fal argagixiso, hanjabaad sameeya ama nooc kasta oo handadaad ah, haddii aysan ka dhalan dembiyo ka culus, wuxuu mutaysanayaa ciqaab xabsi oo dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano.
Qodobka 20aad: Xad-gudubyada ka dhanka ah badbaadada duulimaadyada rayidka ah
- Qof kasta oo isagoo og ku kaca mid kamid ah falalka soo socda:
- a) Fal qalalaase oo ka dhan ah qof saaran diyaarad duulimaad Im jirta, haddii falkaasi ay suura-gal tahay in uu halis gelinayo badbaadada diyaaraddaas;
- b) burburinta diyaarad shaqaynaysa, ama in la sababo in dhaawac hawl-gab ka dhigaya ama halis gelin kara nabadgelyada diyaarad duulimaad ku jirta soo gaaro diyaaraddaas;
- c) in la dhex-dhigo arna la sababo in la dhex-dhigo diyaarad shaqaynaysa, dariiqii la doonaba ha la adeegsadee, walax ama qalab burburin kara diyaaraddaas, ama u geysta waxyeelo hakad gelin karta duulimaadka, ama la sababo waxyeello ay suura-gal tahay inay halis geliso badbaadadeeda inta ay duulimaadka ku jirto;
- d) in la burburiyo ama la dhaawaco agabka hagista diyaaradaha ama la fara-geliyo hawlihiisa, haddii fal noocaas ahi ay suura-gal tahay in uu halis geliyo badbaadada diyaaradda ku jirta duulimaad; ama
- e) in la sheego war qofku uu ogyahay in uu been yahay, isagoo markaa halis gelinaya badbaadada diyaarad ku jirta duulimaa
- 2. Fal-dembiyeedkaas waxaa lagu mutaysan doonaa ciqaab xabsi oo dhan 10 (toban) sano ilaa xabsi daa’irn.
- 3. Qof kasta oo u hanjaba sarkaal ama garsoore, iyadoo u jeeddaduna tahay inuu ku khasbo ama ka hor-istaaga sameynta fal, qofkaas wuxuu sameeyey xad-gudub sida ku cad faqraddaha l(a), (b) ama (d) ee qodobkan, haddii hanjabaaddaasi ay suura-gal tahay in ay halis geliso ammaanka diyaarad, haddii falkaasi noqdo mid ujeeddadiisu tahay fal argagixiso, waxay noqon doontaa hanjabaaddaasi mid lagu mutaysto ciqaab xabsi oo dhan 5 (shan) ilaa 10 (toban) sano haddii uusan ka dhalan dembi ka culus.
Qodobka 21aad: Xad–gudubyada ka dhanka ah badbaadadagaroornadau adeega duulirnaadyo rayid ah
- Qof kasta oo ku kaca mid kamid ah falalka soo socda, isagoo adeegsanaya qalab kasta, walax ama hub, haddii falkaasi uu suura-gal yahay in uu halis geliyo badbaadada garoon u adeegaya duulimaadyo caalami ah:
a) | fal qalalaase oo lagula kaco qof ku sugan garoon diyaaradeed oo u adeegaya duulimaadyo rayid ah (gudaha iyo caalamiba) taasoo keeni karta ama keenaysa | |
dhaawac halis ah ama dhimasho; ama | ||
b) |
in la burburiyo ama si aad ah loo waxyeeleeyo agab uu leeyahay garoon |
|
diyaaradeed oo u adeegaya duulimaadyo caalami ah ama diyaarad aan ku jirin | ||
shaqo oo taalla goobtaas ama in la khalkhal-geliyo adeegyada garoonkaas | ||
diyaaradaha; | ||
2. |
waxa lagu mutaysan doonaa ciqaab xabsi oo 15 ilaa 30 (shan iyo toban ilaa soddon) sano ah. |
Qeybta 3aad: AwoodahaBaarista
Qodobka 22aad: Hor–qabatayntalagu sarneeyo adeegga isgaarsiinta
- 1. Iyadoo loo eegayo arrimaha soo socda ama marka ay cidi codsi uga gudbiso
garsoore maxkamad gobol, oggolaansho ayaa la bixin doonaa lagu oggolaanayo ama lagu farayo in qofka ay ku socotaa uu hubiyo mid arna ka badan oo arrimaha soo socda ah:
- a) Hor-qabatayn la sameeyo inta uu socdo xiriirka loo adeegsanayo adeegga boostada ama nidaam isgaarsiineed xiriirka ku tilmaaman oggolaanshaha;
- b) Bixinta kaalmo noocaas ah ama nooc hor-qabatayn lagu sameeyo xiriir sida ku dhigan heshiiska caalamiga ah ee is-garabsiga; ama
- c) Daah-furka wax kasta oo lagu helay hor-qabatayntaas la oggolaaday ama lagu dalbay oggolaanshaha hor-qabataynta xog-xiriireedka oo nooc kasta ah.
- 2. Haddii dhaqso loogu baahdo, waxaa oggolaanshaha saxiixi kara saraakiisha ku xusan qodobka 21 and faqraddiisa s= balse waa in uu 24 saac gudahood ku oggolaado garsoore maxkamad gobol.
- Garsooruhu ma bixinayo oggolaanshahaas haddii aanu ku qanacsanayn:
- a) In oggolaanshuhu u danaynayo amniga qaranka ama loo adeegsanayo ka hortagga ama ogaanshaha dembiyo halis ah ama leh ujeeddo lagu ilaalinayo dhaqaalaha Soomaaliya; iyo
- b) Waxa lagu oggolaaday oggolaanshuhu waa in uu noqdo mid u qalrna wixii la rabay in lagu gaaro.
4) Fiiro dheeraad ah waa in loo yeesho haddii:
- a) Oggolaanshaha ay ka dhalanayso in hor-qabatayn loo galo sharci ahaan xiriiro dhawrsan;
- b) Haddii ay suura-gal tahay in oggolaanshaha ay ka dhalato in la hor qabateeyo xog wariyenirno oo sir ah taasoo ay ku jirto wax lagu helay ama loo abuuray ujeeddo wariyenimo lalana damacsanaa in sir ahaan loo hayo;
- c) Xog sir ah oo gaar ah ama shakhsi oo la xiriirta caafimaadka maskaxeed ama jireed ama talo ruuxi ah;
- d) Xaaladaha noocaan ah garsooruhu wuxuu tixgelin doonaa ama gorsooruhu waa in uu tixgeliyo qiimeyn lagu sameynayo sida xog noocaas ah lagu hor-qabataynayo marka go’aan laga gaarayo arrirnaha ku taxan 3(a) iyo(b) ee sare ku xusan.
- Oggolaansho hor-qabatayn isgaarsiineed waxaa lagu bixin karaa oo keliya haddii Mas’uuliyiinta hoos ku cayiman ama magacooda lagu soo codsado:
- a) Agaasirnaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka & Nabad-sugidda Soomaaliyeed;
- b) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed;
- c) Agaasimaha Guud ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soornaaliyeed; ama d) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
6) Codsiga waa in lagu qeexo tihnaanta xiriirada la rabo in hor-qabatayn lagu sameeyo, faahfaahinta cidda adeegga bixisa iyo sharaxaad ku saabsan sababta hor-qabatayntaasi muhiim u tahay. Codsiga waa in sidoo kale lagu daro ballan qaad in wixii lagu helo hor-qabatayntaas loola macaarnilayo hab waafaqsan Qeyb• hoosaadka 11 iyo 12 ee hoose.
7) Haddii nuqul oggolaanshahaas ah loo geeyo qofka ku xusan oggolaanshaha, qofkaas nuqul isla oggolaanshahaas ah wuxuu u geyn karaa cidda la is- leeyahay gacan ayey ka geysan kartaa arrinta.
8) waxay noqonaysaa rnas’uuliyadda qofka oggolaanshaha la siiyey inuu qaado tallaabooyin lagu dhaqan-gelinayo oggolaanshahaas hadba sidii suura-gal ugu ah.
9) Qofka si ula-kac ah aan ugu hoggaansarnin xilkiisa ku xusan qeyb-hoosaadka S
wuxuu noqon doonaa rnid gefay wuxuuna mutaysan doonaa haddii ay ku caddaato ciqaab xabsi oo aan ka badnayn 3 (saddex) bilood ama ganaax dhan US$5,000(shan kun doolarkaMareykanka)ama labadaba.
10) Oggolaanshaha hor-qabatayntu wuxuu noqon doonaa mid shaqeeya keliya muddo 3 (saddex) bilood ah. \Vaxaa kordhin kara muddada maxkamad awood u leh iyadoo ku dari karta 3 (saddex) bilood oo kale haddii codsi ay hesho. Garsooraha rnaxkamadda awoodda lihi waa in uu ku qanco in kordhinta la raadsaday ay tahay mid muhiim ah lana jaan-qaadaysa qeyb-hoosaadka 3 iyo 4 ee sare ku xusan.
11) Waxay noqonaysaa mas’uuliyadda codsadaha in uu hubiyo, rnarka laga xaaladaha ku xusan qeyb-hoosaadka 12 ee hoose, in: reebo
- a) Tirada dadka xogta la helay la tusay ama loo daah-furay;
- b) ilaa xadka xogta la helay la baahiyey ama la wadaagay;
- c) In lagu koobo inta ugu yar ee u muhiimka ah ujeeddadii loo oggolaaday isla marka xogtaa la ururiyey ay dhaafto goortii ay muhiimka ahayd, waa in la baabi’iyo nuqul kastana la tirtiro.
12) Codsadaha waajib kama saarna in uu buuxiyo shuruudaha ku xusan qeyb• hoosaadka 11 aad (a) iyo (b) haddii lagu wareejiyo xogta dawladaha shisheeye iyo hay’adaha amniga ee caalamiga ah, waxaase xil ka saaran yahay in uu fiiriyo in Dawladahaas leeyihiin shuruudo noocaas ah iyo in ay leeyihiin dhawrsanaanshaha ku sugan faqradda 1 l””d marka la fiirinayo in loo daah-furo xogta hor-qabataynta loo galay maamulkaas shisheeye.
13) Xog kasta oo lagu helay hor-qabataynta xiriirna la leh dacwad waxaa loo adeegsan karaa caddeyn ahaan maxkamadda dhexdeeda.
14) Haddii si ula-kac ah loo adeegsado qaab khaldan ee awoodaha ku jira Falkani wuxuu noqonayaa xad-gudub lagu mutaystan karo ciqaab xabsi oo dhan 3 (saddex) bilood arna ganaax dhan US$5,000 (shan kun doolar oo Mareykan ah ama Shillin Soomaali u dhigma) ama labadaba.
Qodobka 23aad: AwoodahaXirista
1) Sarkaal kasta oo ka tirsan ciidarnrnada amniga qof waa xiri karaa isagoo aan haysan oggolaansho rnaxkamadeed haddii uu hayo sababo rnacquul ah oo abuuraya tuhun ah in qofku sarneeyey, sarneynayo arna uu sameyn rabo fal-dembiyeed rnarka loo fiiriyo Xeerkan.
2) Qofka xeerkan lagu qabtay waxaa la hor keeni doonaa maxkarnad awood u leh rnuddo 48 saacadood gudahood ah ama rnaxkamadda ugu dhow halka qofkaas lagu qabtay.
3) Marka qofka la tuhunsan yahay la hor keenayo rnaxkarnadda, sarkaalka arnnigu wuxuu u gudbin doonaa garsooraha warbixin kooban oo rnuujinaysa:
- a) xaqiiqooyinka dacwadda iyo sababta xarigga;
- b) guud ahaan caddayrnaha la hayo;
- c) tilrnaan guud oo ku saabsan baarista la sarneeyey ilaa hadda iyo baarista la soo jeedinayo in la sarneeyo; iyo
- d) sababaha larna-huraanka ka dhigaya in la sameeyo muddo-kordhin baariseed si la-tuhunsanaha loogu sii hayo xarunta baarista.
4) Tallaabo kasta oo uu qaado garsooruhu hab waafaqsan waxyaalaha qodobkani dhigayo waxaa sida ugu dhaqso badan uu ugu wargelin doonaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, sarkaalka qofka xiran keenay garsooraha hortiisa.
Qodobka 24aad: Xarigga iyo Amarkaxabsi-u-gudbin
1) Maxkarnadda qofka xiran loo horkeenay hab waafaqsan qodobka sare ee sharcigan, waxay amri kartaa xabsi-u-gudbin ku-meel-gaar ah si qofka la tuhunsan yahay loogu sameeyo baaris ka hor inta aan dacwad lagu soo oogin.
2) Maxkamad awood u leh ayaa oggolaan karta xarigga noocaas ah si baaris dheeri ah loogu sameeyo, marka ay codsi ka hesho dembi-baare oo sheegaya:
- a) In ay jiraan sababo meel-mar ah oo lagu rurnaysan karo in xabsiga oo lagu sii hayo qofka codsigu khuseeyo ay muhiim u tahay in la helo xogta loo baahan yahay iyadoo rnarkaas la su’aalayo arna la ilaalinayo xogaha loo baahan yahay; iyo
- b) Baarista lagu sarneeyey qofka arrintu khusayso ay tahay mid loo sarneeyey si wanaagsan oo dhaqso 3) \Xfaqti kasta oo baaris lagu sarneynayo qofka la tuhunsan yahay si loo dhammeystiro baarista waxay noqon doontaa ugu badnaan 90 (sagaashan) maalrnood, iyadoo shuruuddu tahay in wadarta tirada rnaalmaha la haynayo qofka inta aan dacwad lagu soo oogin aanay ka badnaan karin 90 (sagaashan) rnaalrnood, haddii aan rnuddo• kordhin laga helin maxkamad awood u leh. Toddobaad kasta waa in maxkamadda lagu wargeliyaa halka dacwaddu marayso, iyadco maxkamadda laga codsan karo muddo-kordhin macquul ah.
4) Maxkamad awood u leh ayaa sii dayn karta qofka laga bixiyey amarka xariggiisa ee ku jira qodobkan haddii:
- a) aanay jirin sabab macquul ah oo lagu aarnino in qofka la tuhunsan yahay
ku kacay ama ku lug lahaa si kastaba wax fal-dembiyeed ah marka la fi.iriyo xeerkan; ama
- b) aanay jirn dacwad lagu soo oogay qofka la tuhunsan yahay taasoo la leeyahay \\TUXUU fuliyey dembi marka la iriyo xeerkan muddo aan ka badnayn 60 maalmood gudahood laga soo bilaabo taariikhda amarka xar1gga.
5) Qof kasta oo la xiray codsiguna uu khuseeyo wuxuu xaq u yeelanayaa in uu sameeyo matalaad qoraal ah ama afka ah taasoo uu ka horjeedinayo maxkamadda wuxuuna xaq u yeelanayaa garyaqaan sharci oo matala inta dhegaysiga dacwaddu socoto haddii aanay maxkamaddu ku qancin, iyadoo uu sidaas codsanayo sarkaal, in xogta lagu taageerayo codsiga aan la siin qofka xiran ama garyaqaankiisa mid kamid ah sababahan soo socda awgood:
- a) Caddeynta dembigan marka la fiiriyo xeerkan la fara-gelin karo ama la waxyeelayn karo;
- b) Xarigga, dacwad-ku-soo-oogidda ama dembi-ku-helidda qofka la tuhunsan yahay marka la fiiriyo xeerkan in ay adkaanayso haddii xog uu sii helo;
- c) Ururinta xogta la xiriirta fulinta, diyaarinta iyo sameynta fal argagixiso in la fara-gelin karo;
- d) Qofka in la handado ama jir ahaan la dhaawaco;
- e) In xogtani ay caqabad ku tahay hantida loo hayo baarista xad-gudubkan marka la fiiriyo xeerkan; ama
- t) Ka-hortagga fal argagixiso ayaa wuxuu noqonayaa mid adkaada haddii qofkan la sii baraarujiyo.
Qodobka 25aad:Qaadista Astaamaha Faraha iyo Muunadaha
- Sarkaal amni oo u xilsaaran baarista wuxuu muunadahan soo socda ka qaadi karaa qofka la tuhunsan yahay:
- a) Faraha ama raadka maqaarka lugihiisa ama qeyb kamid ah jirkiisa;
- b) Muunadda timaha;
- c) Muunad laga qaado ciddi ama ciddida hoosteeda;
- d) Candhuuf laga qaaday afka; iyo
- e) Muunad laga qaado qeyb jirka kamid ah oo aan sida caadiga ah loo arki karin in ay tahay qeyb gaar ah oo jirka
- 2. Haddii qofka xiran da’diisu ka yar tahay 18 (siddeed iyo toban) sano jir, oggolaanshaha waa in laga helo waalidka ama mas’uulka qofka xir Haddii qofka la xiray ee ka yar 18 (siddeed iyo toban) sano jirka aanu waalid lahayn ama cid ka mas’uul ahi jirin, maxkamad awooddeeda leh ayaa ka noqonaysa mas’uul.
- 3. Qofka la tuhunsan yahay waa in lagu wargeliyo in caddeynta laga helo loo adeegsan doono baarista fal-dembiyee
- Muunadahan soo socda waxaa laga qaadayaa qofka la tuhunsan yahay, hab waafaqsan faqradda 2″”d ee sare:
- a) Muunad kasta oo dhiig, nude, dheecaan (dareere) ama tirno;
- b) Muunad kasta oo laga qaado dalool-jireed marka laga reebo afka;
- c) Muunad kasta oo laga qaado qeyb kasta oo jirka ah oo loo aqoonsan karo qeyb gaar ah oo jirka ka tirsan;
- d) Kaadi; ama e) Gaws.
5.Muunad kasta oo lagu qaaday hab waafaqsan faqradda 4(a) ilaa (c) ee sare ku xusan waa in uu qaadaa shaqaale tababar u leh xirfadahan.
- Sarkaal darajada uu doono leh ayaa qaadi kara muunadda ku xusan qodobka S””‘d (d) iyo(e).
- 7. Haddii oggolaanshaha qaadista muunadda ku xusan faqradda 4 nod ee sare la diido
iyadoo aanu sabab macquul ah bixin qofkaasi, dacwad kasta oo ka dhan ah qofkaas oo ku saabsan fal-dernbiyeed maxkarnad loo gudbiyey, maxkamaddu:
(a) Marka la go’aaminayo haddii ay jirto dacwad ay tahay in laga ja | waabo, waxaa | laga |
yaabaa in ay tixraac ku samayso diidmadaas sida ay hadba ugu | muuqato | mid |
qumman; 1yo |
(b) Marka la go’aaminayo in qofku dembiile yahay marka la fiiriyo dembiga lagu oogay,
waxaa tixraac lagu sameynayaa diidmada hadba sida ay u qumanaato arrintaasi.
8 .. Adeegsiga muunadda: faraha arna muunadda lagu qaaday qaab qodobkan waafaqsan iyo xog kasta oo lagu helay muunadahan waa la haynayaa, cidina uma adeegsan karto ujeeddo ka duwan baarista argagixisada ama ujeeddooyin la xiriira ka-hortagga ama ka war-helka fal-dembiyeed kasta, baarista fal- dembiyeedka arna dacwad-oogista.
Qodobka 26aad: Hubinta Dekadaha iyo Xuduudaha
- Haddii qof ku lug leh fal argagixiso:
(a) uu ku sugan yahay deked ama meel xad ah; ama
(b) markab dushiisa ama diyaarad codsi ka soo gudbistay meel kasta oo kamid ah
Soomaaliya gudo iyo dibad kii uu doonaba; iyo
(c) sarkaal hubineed uu aarninsan yahay in joogista qofkaas ee dekedda ama xuduuddu ay xiriir la leedahay gelidda iyo ka-bixidda Soomaaliya, markab dushiisa ama diyaarad codsi ka soo gudbistay meel kasta oo karnid ah Soomaaliya gudo iyo dibad kii uu doonaba.
- 2. Sarkaal amni wuxuu adeegsan karaa awoodihiisa ku xusan qodobkan ha u muuqato arna yaanay u muuqan sabab uu uga shakin karo in qofkaasi xiriir la leeyahay sameynta, diyaarinta ama fududaytnta fal argagixiso.
- 3. Qofka lagu wareystay hab waafaqsan Qodobkani waa in uu:
(a) siiyo sarkaalka hubinta xogta uu hayo ee sarkaalkaasi codsaday;
(b) siiyo sarkaalka hubinta marka uu codsado baasaaboor shaqaynaya oo sawir wata arna dokumenti kale oo sugaya aqoonsigiisa;
( c) caddeeyo in uu hayo dokumentiga uu cayimay sarkaalka hubintu; iyo
(d) siiyo sarkaalka hubinta dokumenti kasta oo uu sito oo ah nooca uu cayunay sarkaalka.
- 4. Qofka lagu xiray hab waafaqsan faqraddani, haddii aan awood kale lagu xirin, waxaa lagu sii dayn doonaa muddo aan ka badnayn 9 (sagaal) saacadood marka laga bilaabo goortii hubintiisu bilaaba
- 5. Si uu isaga qanciyo in ay jiraan dad uu rabo in uu su’aalo weydiiyo hab wafaaqsan faqradda kowaad ee sare, sarkaalka hubintu wuxuu baaris ku sameyn doonaa:
(a) markab ama diyaarad;
(b) waxa saaran markabka ama diyaaradda; ama
(c) wax kasta oo uu rumaysan yahay in ay markabka ama diyaaradda saaran yihiin.
- 6. Sarkaalka baaraha ah ee su’aal weydiiya qofka hab waafaqsan faqradda 1 and ee sate, wuxuu si uu u go’aamiyo in uu yahay qofka ku lug lahaa diyaarinta, fulinta ama fududaynta falka argagixiso:
(a) baaris ku sameyn doonaa qofka;
(b) in uu baaro wax kasta oo uu sito ama uu leeyahay ee saaran diyaaradda ama markabka;
(c) in uu baaro wax kasta oo uu hays to ama leeyahay ee sarkaalka baaristu u arko in uu saarnaa ama la saarayo diyaaradda ama markabka; iyo
(d) in uu baaro gaariga saaran markabka ama diyaaradda ama la saari rabo midkood.
- Sarkaalka baaristu wuxuu hubin karaa alaabaha qodobkani ku dabaqmo si uu u go’aamiyo in loo adeegsaday fulinta, diyaarinta arna bilaabista falal argagixiso.
- 8. Sarkaalka baaristu wuxuu kori karaa markab ama diyaarad ama wuxuu geli karaa gaari si uu u go’aamiyo in uu adeegsan karo awoodihiisa ku aaddan qaab waafaqsan qodobkan.
- Sarkaalka baaristu wuxuu qaban karaa wax kasta isagoo waafajinaya faqradda 3″”d (d) ee sare, ama wax kasta oo la baaray ama lagu helay baaris hab waafaqsan faqradda S””” ee sare ama lagu hubiyey faqradda 6″”0 ee sare:
(a) si uu u baaro muddo aan ka badnayn toddoba maalmood oo ka bilaabanaysa maalinta qabashada alaabta bilaabanto
(b) haddii uu aaminsan yahay in loogu baahan karo in loo adeegsado caddeyn ahaan;
( c) Haddii uu aarninsan yahay in loo adeegsan karo qaab xiriir la leh awoodda Wasiirka
Amniga Gudaha ee looga saarayo dalka Soomaaliya.
10.Ujeeddooyinka Qodobkan
(a) “Sarkaalka Baarista”waxaa loola jeedaa mid kamid ah kuwan soo socda:
- i) Sarkaal Boolis
- ii) Sarkaal N abad-sugid
iii) Sarkaal laanta socdaalka ka tirsan,ama iv) Sarkaal Canshuuraha (Customs).
(b) “Deked” waxaa ku jira gegida diyaaradaha, Goob waxaa loola dhaqmi doonaa deked ahaan haddii sarkaal baariseed aaminsanyahay in qof u tago si uu u koro ama uga dego markab ama diyaarad.
(c) ”Xad” waxaa loola jeedaa xuduudda badda, berriga iyo hawada ee Dalka Soomaaliya.
11.Qofka wuxuu noqonayaa mid xad-gudub sameeyey haddii uu si ula-kac ah u hor• joogsado ama u carqaladeeyo baarista ama hubinta ku sugan faqraddaha 4, 5, 6 ama 7 ee sare waxaanu noqonayaa mid mutaysta ciqaab xabsi oo dhan ilaa 2 (laba) sano.
Qodobka 27aad:Aqoonsashada
- sarkaal amni ayaa qaadi kara tallaabo kasta oo muhiim u ah:
- a) sawir ka qaadista qofka xiran b) cabirka qofka xiran, ama c) aqoonsashadiisa
- Faqradda kowaad ee sare, ‘sarkaal oggolaansho haysta’ waxaa loola jeedaa
- a) Sarkaal Amni: ama mid kasta oo kamid ah kuwan soo socda:
- b) Cid oggolaansho ka haysata ama ay u xilsaaarto \Xfasaaradda Amniga Gudaha
Qeybta 4aad – Awoodaha Dheeriga ah iyo Xeerarka Isku-Dhafan
Qodobka 28aad: La-wareegidda markii dembi lagu helay : Haddii cid hab waafaqsan Sharcigan loogu soo oogo dembi, laguna xukumo si kama dambays ah, Maxkamaddu waxay amar ku bixin kartaa in hanti kasta oo loo adeegsaday qaab la xiriira argagixiso ama lagu helay dembigan fulintiisa ama abaal-gud ahaa fulinta dembigaas, in lagu wareejiyo dawladda. Maxkamaddu amarkan ma bixinayso iyadoo aan la sameyn baaris macquul ah oo lagu sameynayo hantidaas iyadoo aanay maxkamadduna sameynaynin amar noocaas ah,sababta oo ah maxakamadda oo aan siinin fursad lagu dhegeysto qofkii dani uga jirtay (wax ku leh hantida si taos ah iyo si dadbanba).
- Hantida lala wareegay dawladda ayaa yeelanaysahaddii aan cid kale oo sheeganaysa aysan ka qaadan racfaan maxkamadda muddo 90 (sagaashan)maalmood gudaheed ah.
Qodobka 29aad: La-wareegista – Guud ahaan
- Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka wuxuu weydiisan karaa maxkamadda awoodda u leh la-wareegidda hanti lagu milkiyey ama lagu maamulo magaca koox atgagixiso ah ama loo adeegsado ama loola clan leeyahay adeegsiga gabi ahaan ama qeyb ahaan fulinta fal argagixiso.
- Codsigu wuxuu noqon karaa mid lagu wargeliyo cidda ay khusayso iyo qof kasta oo kale kaasoo marka la fiiriyo maxkamadda ay tahay qof danaynaya hantida kaasoo isla markaana la siin doono fursad lagu dhegaysto.
- Qof kasta oo dani uga jirto hantida isla markaana aan la siin wax ogaysiis ah marka la fiiriyo faqradda z= ee Qodobkan, wuxuu codsi u goran karaa Maxkamadda awoodda u leh si loo baajiyo amarka 60 (lixdan) maalmood gudahood oo ka bilaabanaya goorta amarka la bixiyey.
Qodobka 3oaad: Xanibaadda Hantida
- Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka wuxuu codsi u gudbin karaa Maxkamadda awoodda u leh isagoo dalbanaya in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo arrimaha la xiriira dhammaan lacagaha ama hantida kale ee ay leedahay, cid ku leedahay ama lagu hayo magaca: Qof lagu xukumay ama hadda lagu xukumayo Falkan; ama qof kasta oo kale oo la cayimay.
- 2. Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud Qaranka wuxuu codsi u gudbin karaa Maxkamadda awoodda u leh isagoo dalbanaya in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo arrimaha la xiriira dhamrnaan lacagaha ama hantida kale ee ay leedahay, cid ku leedahay ama lagu hayo 1nagaca:
(a) Koox argagixiso ah;
(b) Qof rnucayan ama gaar ah oo looga shaki qabo in uu xubin ka ya.hay koox argagixiso ah, ama
(c) Qof kastoo kale oo la cayimay.
- 3. Amar la bixiyey iyadoo la adeegsanayo Qodobkan wuxuu:
(a) ka mamnuucayaa cid kasta in ay lacag ka samayso ama hanti kale oo ay ka faa’iidaysan karaan kooxda argagixisada ah ama cidda looga shaki gabo;
(b) Tilmaarnayaa qaabka loo bixinayo awoodda lacag looga sarneynayo arna hanti kale dadka noocaas ah iyo shuruudaha lagu qeexayo amarka;
(c) Dalban karaa qofka in uu bixiyo xogta ama uu soo saaro dokurnentiyada ama rikoodhada qaab macquul ah loogu arko in loogu baahanyahay baarista xad-gudub marka la fiiriyo Xeerkan; ama
(d) In lagu darn shuruudaha kale ee ay hadba maxkamaddu soo rogto.
- 4. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu: (a) Ogaysiis ka siin doonaa amarka:
(i) Bangiyada, hay’adaha tnaaliyadda iyo kuwa ka ganacsada lacagacaha caddaanka ah;
(ii) Cid kasta oo kale oo danaynaysa arna saarnayn ay ku yeelanayso arrintu; iyo
(iii) qof kastoo kale oo uu garanayo ama uu tuhunsanyahay in ay hayso ama xaq ku leh hantida ay leedahay arna lagu hayo magaca kooxda argagixisida ah ama cid lagu tuhunsanyahay.
- 5. Amarka lagu bixiyey hab waafaqsan Qodobkan, waxay muddadiisu ku egtahay 30 (soddon) maalmood laga bilaabo markii amarka la bixiyey, haddii aan maxkamadda awoodda u leh, intii ay dhegeysatey dhinacyada ka dib, aanay amar kale bixin oo sidaas ka duwan.
Qodobka 31aad: Ku-Dhawaaqidda Koox Argagixiso ama Cid La Cayimay
- 1. Haddii wasiirka wasaaradda u xilsaaran amniga gudaha uu hayo sabab macquul ah oo uu ku aamino in koox mucayan ahi ay ku lug leedahay hawlo argagixiso, wuxuu, isagoo cuskanaya xog sugan oo ay u soo gudbiyaan taliyeyaasha hay’adaha amniga Soomaaliyeed, isagoo wargelinaya cidda ay khusayso, wuxuu ku dhawaaqayaa in kooxdaasi tahay koox argagixiso ah iyadoo la raacayo Xeer
- Qof kasta oo dhib ka soo gaaro go’aanka waasiirka marka la fiiriyo Qodobkan, wuxuu codsi u qoran karaa Maxkamadda Sare si ay wax uga qabato isagoo sidaa ku sameynaya (90) sagaashan rnaalrnood gudahood oo ka soo bilaabmaya taariikhdii la daabacay amarka ama faafiyay.
Qodobka 32aad: Oggolaanshaha Guud Ee Adeegsiga Nuqullada
Habraac ama fal-dernbiyeed kasta ee ku saabsan Sharcigan, dokumenti kasta oo loo oggolaan karo in uu markhaati galo marka la soo saaro, nuqul kasta ama wax kasta oo laga soo dheegtay dokumentigaasi wuxuu noqon karaa mid markhaati gala iyadoo shuruuduna noqonayso in uu yahay nuqul la hubiyey ama dheegasho ama loo shardiyeeyo in uu saxiixay oo caddeeyey dhabnimadiisa sarkaalka nuqulka asalka ah lagu aaminay iyadoo looga baahan yahayna sarkaalkaas in uu siiyo nuqul la caddeeyey a.ma dheegasho qof kasta oo ku dalbada muddo macquul ah gudaheed, iyadoo qofkaasina uu bixinayo xaddi lacageed oo macquul ah.
Qodobka 3yad:Caddeyn Shahaado
- Iyadoo la raacaya sida ku cad qodobbada 157 ilaa 161 ee Xeerka Habka Ciqaabta (ee la xiriira a.ragtida/ fikradda khabiirka), dacwad kasta oo la xiriirta Sharcigan, su’aal ayaa ka timaadda in wax kastaa ama walaxi tahay hub, halis, walax shucaac leh ama walax halis ah, kiimiko sun ah ama hub bayooloji ama sun, caddeyn lagu sheegay in ay saxiixeen cid ku habboon oo sheegaysa in shayga ama walaxda lagu sheegay caddeyntu ay tahay hub, halis, walax shucaac leh ama halis ah, sun ah a.ma walax bayooloji, waxay noqon doontaa mid la oggolaado caddeyn ahaa~iyadoo aan wadan caddeynta saxiix ama awoodda qofka u muuqda in uu saxiixay waxaanay, haddii caddeyntu maqan tahay taa ka soo hor-jeedkeeda, noqon doontaa caddeynta xaqiiqooyinka lagu sheegay meesha dhexdeeda.
- Cidda ku habboon waxa lagu qeexi doonaa xeer-nidaamiye
- Qodobka 34aad:ln La Oggolaado Caddaymaha Elektaroonki ada ah iyo
Hababka Casriga ah
- 1. Habraac ama fal-dembiyeed kasta ee ku saabsan Sharcigan, caddeynta elektaroonikada ah iyo hababka baarista waa la oggol yahay in loo soo bandhigo caddeyn ahaan iyadoo shuruudduna tahay in rsooruhu ku qanco caddeyn-nimada maragga lagu caddeeyey hubin ama tasdiiqin af ah ama qoraal ah oo laga helayo qof aqoon toos ah u leh qaabka caddeyntaa lagu abuuray ama markhaati loo tixgeliyo in uu khabiir ku yahay takhasuskiisa.
- Qodobkan dartiis, erayadan soo socda waxay yeelan doonaan macnahan:
‘Khabiir‘ qof muujin kara in uu leeyahay, isagoo darsay atna khibrad u leh awgeed, khibrad ku ftlan oo ku saabsan arrinta laga hadlayo isagoo bixin kara fikrad khibrad xambaarsan oo gacan ka gaysan karta xallinta arrinta dacwada tnaxkamadda hortaal.
‘Caddeymaha Elektaroonikada ah‘ waxa ku jira inkasta oo aanay ku koobnayn sawirro; kayd lagu sameeyey kombuyuutaro kuwaas oo aan u baahnayn in aadane wax ku daro xogta la rikoor gareeyo marka laga tago diyaarinta barnaamijka, rakibaadda iyo dayactirka qalabka; kaydka muuqaalka ah iyo kuwa maqalka ah; soo dejinta (downloads) lagu sameeyey telefoonada gacanta, iyo qalabkakale ee war-isgaarsiinta.
‘Hababka Baarista‘ waxa ku mid ah sida; lafa-gurka faraha la sawiray,lafa• gurka hidde-sidaha (DNA), goobta uu yaallo teleefanka gacanta,lafa-gurka maqal iyo muuqalka ah, baarista goobta dembigu ka dhacay, baarista sawirrlada la xiriira,lafa-gurka calaamadaha qoryaha gacanta iyo qalabka,lafa-gurka gumacyada, baarista maydka, dabagalka lafa-gurka kiimikada,
3. Haddii laga dhaliyo caddeynta qalab elektaronik ah ama mid gacmeed, marka la caddeeyo in qalabkaasi “xaalad shaqo oo caadi ah” ku suganyahay, waxa loo arki doonaa, ilaa inta laga caddeynayo taa lidkeeda, in uu ku sugnaa xaalad shaqo oo wanaag-san marka la fiiriyo xaaladda ay khusayso .
. Qodobka 35aad–Awoodda Qaadista Dacwadaha Xeerkan:
1- Maxkamadaha rayidka ayaa leh awoodda qaadista dacwadaha ka dhasha fal•
dernbiyeedka argagaxisada ee uu Xeerkani tilmaamayo.
2- Cid kasta oo ay caddaato in ecdaynta loo soo jeediyey aysan aasaas lahayn kana soo gaarto waxyccllo-sharafeed iyo hantiyeed, wuxuu xaq u yeelanayaa, raalli• gelin, mag-dhaw u dhigma dhibaatada gaartey.
Qodobka 36aad: Baabbi’in
Waxaa la baabi’iyey dharnmaan wixii sharci ah oo ka soo horjeeda ama aan la socon karin xeerkan, marka laga reebo shuruucda caalamiga ah oo ay dawladda Soomaaliyeed aqoonsan tahay.
Qodobka 37aad: Dhaqan-gal
Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu ans1xiyo baarlamaanku oo uu saxiixo Madaxweynaha JFS, isla markaana lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ce Dawladda.
Akhriso: Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka
Hindise sharciyeedka waxaa uu soo maray heerar kala duwan, marka uu golaha shacabka ka dhammaadi waxaa lagu wadaa in aqalka sare mar kale ka doodaan si loogu gudbiyo madaxweynaha.
Goobjoog News, Lama Qaadan Karo Xigasho La’aan