Saacadaha Smarts-ka ah ee Apple oo Digniino u Diraya Taageeryaasha Kubadda Cagta

Tiro ka tirsan taageerayaasha Kubadda Cagta Mareykan “gridiron football” ayaa digniino caafimaad ka helay saacadaha Apple ee Smarts ah ee ay wataan, kadib markii heerka garaaca wadnahoodu uu kor u kacay si khatar ku ah noloshooda intii ay ciyaartu socotay.
Webste-ka BGR oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in markii uu soo gabagaboobay kulan ka tirsan Football-ka Mareykanka oo ay ciyaarayeen kooxaha “Minnesota Vikings iyo New Orleans Saints“, ay taageeryaashu ka sheegteen saacadaha Apple oo digniino kala duwan oo dhanka caafimaadkooda ku saabsan u soo dirtay, qaar ka tirsan taageeryaasha ayaa barahooda bulshada kusoo qorey tweets ay ku sheegayaan in saacadahii ay wateen digniin u soo dirtay, iyadoo uga digaysa khatar caafimaad oo noloshooda ku saabsan, qaarkood waxay bartooda twitter-ka ku qoreen: “Haddii aan saacadda wadan lahaa, waxaaba dhici lahayd inaan janaasadayda sii diyaarsado.”, isagoo tilmaamay heerka ay xamaasaddiisa taageeranimo gaartay.
Waxaa xudis mudan, in saacadda “Apple Watch” ee smarts-ka ah ee ay Apple soo saarto ay leedahay dhorw adeeg caafimaad oo qofka wata si gaar ah ula soconaya, tallaabooyinka uu qofku qaadayo maalintii ayay la soconeysaa, waxayna qiiyaasayaa awoodda garaaca wadnaha