Facebook oo Bilaabay Barnaamij Cusub oo Uu Ku Taageerayo Saxaafadda Gudaha ah Si Ay Akhristayaal Cusub u Kasbadaan
Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqaday barnaamij cusub oo soo hoosgalaya mashruuca “Journalism Project”, waxaa loogu magac daray “Local News Subscriptions Accelerator“, waxaana qorshuhu yahay iney ka mid noqdaan saaxafadda gudaha ah ee kasoo baxda gudaha dalka Mareykanka Saddexda bilood ee soo aaddan, si ay u kordhiyaan akhrisyataashooda gudaha.
Barnaamijkan cusub oo hadda tijaabo ah ayaa shirkaddu ay ku maalgelisay 3 Milayn oo dollar, waxaana adeegsaneysa 10 illaa 15 mu’asaso warbaahineed oo ka dhisan gudaha Mareykanka si ay u xoojiyaan akhrisyaashooda, website-yada hadda ka qeybgeli doona waxaa ka mid ah “The Atlanta Journal-Constitution”, The Boston Globe, The Chicago Tribune, The Dallas Morning News, Denver Post,.. iyo kuwo kale.
Tallaabooyinkan ay Facebook qaadday ayaa imaaneysa iyadoo uu jiro khilaaf baaxadleh oo soo kala dhexgalay warbaahinta iyo shirkadda oo hor-tabinteeda koowaad ka dhigatay qoraallada asxaabta iyo qoyska ay hawada isku mariyaan, yareysanna wararka saxaafadda ee ay dadku arki karaan.
Goobjoog News