Twitter oo Soo Kordhiyay Adeeg Ay Dadka Barta Ku Xiran Muddo Dheer Sugayeen

Twitter ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu soo kordhiyay adeeg cusub oo dad badan oo barta ku xiran ay muddo sugayeen, waxa uu kuu ogolaanayaa inaad tweets-ka kaydsato oo aad wakhti kale daalacato.
Adeeggan ayaa magaciisu yahay “Bookmarks” waxaana ka faa’ideysan kara oo uu u furan yahay cid kasta.
Habka aad u heli karto
Adeeggan cusub ayaad si sahlan ku heli kartaa markaad mobile-ka isticmaalaysid oo dhanka midig waxaa kaagaga muuqanaya astaantiisa oo ah fallaar kor u jeedda oo markii aad furto labo doorasho aad ku arkayso, waxaad dooraneysaa “Add Tweet to Bookmarks“, waxaana kuu suurtaggaleysa inaad mar Labaad akhristo tweet-ka aad kaydsatay.
-Markaad computer-ka isticmaaleyso waxaad aadaysaa “Mobile.twitter.com” kadib waxaa kuu suurtagal ah inaad si sahlan u isticmaasho adeeggan cusub.
Goobjoog News