Xaalad Banii’aadanimo Oo Ka Jirta Sanaag

Guddoomiyaha degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag ayaa ka warbixiyey xaaladaha ay ku suganyihiin dadka barakacyaasha ah ee ku nool gobolka Sanaag.
Xaaladda barakacyaasha ku nool degamada Gar-adag ayaa nolashooda laga deyrinayaa waxaana la sheegay in maalimba maalinta ka dambeysa ay sii xuumaaneyso xaaladdooda nololeed.
Guddoomiyaha degmada ayaa Goobjoog News u sheegay in dadkan ay heysato xaalado adag oo dhanka nolosha ah, oo dadka ku barakacay deegaannadaasi aaney wax gargaar ah helin lixdii bilood ee ugu dambeysyay .
Guddoomiye Faarax Aadan Ciise ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaaarka in ay dadkan la soo gaaraan kaalmooyin bani’aadanimo oo degdeg ah .
“Hay’adaha dowladda iyo kuwa gargaarkaba dadkan waxba lama soo gaarin, hadda waxay ku jiraan xaalad adag, waxaan ku sameynay kormeer badan xaaladahooda waan u kuur galnay wax soo kabasho dhanka nolosha ah dadkan ma aysan helin”.
Gar-adag ayaa waxa ay ka mid tahay deegaannada ay inta badan deganyihiin dadka barakacyaasha ah, kuwaas oo markii hore ahaa dad xoolo dhaqato ah.
Goobjoog News