U bood dhigaalka

Faah Faahin: Hooyo Iyo Carruurteed Oo Ku Geeriyoodey Dab Ka Kacay Gurigooda, Yaaqshiid

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dab xalay ka kacay hoy kuyaalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dabkan oo kacay xilli saq dhexe ah ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada 7 qof, 5 carruur ah, hooyadood iyo qof marti ku ahaa gurigaasi.

Sidoo kale, waxaa dabkaasi ku dhaawacmay aabaha gurigan oo ay badbaadiyeen dad gurmad goobta usoo sameeyay.

Dabkan kacay ayaa la sheegay inuu ka dhashay koronto guriga ku jirtay, iyadoo dhanka kalena uu gabi ahaanba basbeelay gurigii dabka uu ka kacay.

Xilli dambe ayaa goobta uu dabka ka kacay waxaa garay gaadiid dabsamis ah oo qaarkood gobolka Banaadir ka socday.

Goobjoog News