Shirweynaha Qaran Ee Dib u Eegista Dastuurka Oo Lagu Wado Inuu Maanta Ka Furmo Muqdisho

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweynaha qaran ee dib u eegista Dastuurka, kaasi oo ay ka qeybgali doonaan mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale.
Sida qorshaha uu yahay, shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimaha qabyo-tirka Dastuurka, halka ay wax marayaan iyadoo ay ka qeybgalayaan xubno matalaya maamul goboleedyada qaar.
Sidoo kale, waxaa shirkan ka qeybgalaya madax ka socota dowladda federaalka, beesha caalamka iyo xubno kale.
Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyey in aanay ka qeybgali doonin shirkan ka furmaya Muqdisho iyaga oo aan sheegin sababta ay uga baaqanayaan.
Shirkan ayaa socon doona illaa 15-ka bishan, waxaana ka qeybgalaya 300 ergo oo isugu jirta qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo dalka gudahiis iyo dibaddiisa ka kala yimid.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News