U bood dhigaalka

Dilal Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Hal Askari ayaa ku dhaawacmay Bambo lagu Tuuray Isgoyska  Baar-ubax, lama sheegin in la qabtay kooxdii Falkaas geysatay.

Dhacdada  Askarigu ku dhaawacmay ayaa Jugteeda si xooggan looga maqlay xaafado ka mid ah Muqdisho.

Dhanka kale Maqribkii ka dib ayaa degmada Waaberi waxaa lagu dilay ah qof rayid waxaana goobta ka baxsaday kooxihii dilka geystay.

Amniga magaalada oo mas’uuliyaddiisa lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa liita, tan iyo markii gobolka Banaadir lagu wareejiyay amniga caasimadda waxaa la dilay dad badan oo rayid ah mana jirto ilaa iyo hadda tallaabo uu qaaday gobolka oo looga hortagayo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada.

Goobjoog News