U bood dhigaalka

Dhageyso Abuukaate Cabdiwaaxid:  Mareykanka Waxaa Uu Doonayaa Xoojinta Siyaasadda Milatariga Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Abuukaate Cabdiwaaxid  Cabdulahi Warsame  oo ka mid ah aqoonyahannada ka faalooda Arimaha siyaasadda dalka  ayaa sheegay  in Mareykanka uu doonayo in uu dar dargaliyo siyaasaddiisa ku aadan Afrika taasi oo uu tilmaamay  in ay qeyb ka tahay  safiirka cusub oo  arbacadii uu u soo magacaabay Soomaaliya  Madaxweynaha Maraykanka ka dib in muddo 9 bil ah oo safaaraddooda Soomaaliya ay safiir la’aan aheyd.

Waxaa uu sheegay  Cabdiwaaxid  Cabdulaahi Warsame  in Safiirka Soomaaliya loo soo magacaabay ee Yamamoto uu ahaa nin kasoo shaqeyay Afrika gaar ahaan Itoobiya oo Soomaaliya deris la ah.

“Yamamoto  waa nin si weyn u yaqaanno  arimaha soomaaliya ka horna waxaa uu ahaa nin Siyaasadda Soomaaliya ku lug lahaa mana aha nin saaxada Afrkca ku cusub wax badana waa suuragal in uu ku soo kordhiyo”.

Trump waxaa uu safiirkiisa Soomaaliya u magacaabay Donald Yamamoto xilli safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay muddo aheyd Safiir la’aan Yamamoto ayaa ah nin qabiir ku ah xaaladda Afrika gaar ahaan geeska qaaradda oo muddo uu ka soo shaqeeyay.

halkan hoose ka dhageyso

 

 

 

 

Goobjoog News