U bood dhigaalka

Aqoonyahan Bashiir “Safarkii Madaxweynaha Ee Eritrea Lagama Fiirsan”

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Bashiir C/qaadir oo ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo aanu ka fiirsan safarkii uu ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Waxa uu sheegay Bashiir in muhiim ay ahayd marka hore in la eego waxa ka imaan kara safarkaan ka hor inta aan la aadin.

Dowladda federaalka ayaa sheegay inuu dhacay gef diblomaasiyadeed, islamarkaana safarkaasi lagu xumeeyey dowladda Jabuuti.

Waxa uu sidoo kale sheegay aqoonyahan Bashiir in dowladda ay weli haysato fursad weyn oo ku aadan iney ku saxdo qaladkii laga galay dowladda Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa ka xumaatay safar uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Eritrea kadib markii uu dalbaday in xayiraadda hubka laga qaado dowladdaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News