Carwada Buugaagta Ee Mogadishu Book Fair Oo Sanadkii 4aad Maanta Ka Furantay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furantay carwada buugaagta ee“Mogadishu Book Fair” sanadkiisa 4aad, iyada oo ay isugu iman-doonaan qoraayaasha gudaha iyo dibadda ah, waxaa kale oo goobta tagi-doona dadka jecel qoraalka iyo akhriska.
Carwada Buugaagta ee Mogadishu Book Fair oo 3 maalin socon-doonta waxaa la bilaabay 2015-kii, iyada oo Muqdisho ku soo kordhisay xamaasad in dhalinyradaha wax qoraan, waxna akhriyaan.
Carwadan waxaa soo qaban-qaabiyay New Horizon, qoraal ay soo saareen waxaa lagu sheegay in halheys-ka sanadkan yahay “Literature and Expression in Education” oo ah in suugaanta lagu cabirro waxbarashada, iyaga oo laga hadli-doono kaalinta suugaanta ka qaadan karto waxbarashada iyo guud ahaan aqoonta.
Dadka ka soo qeyb-galaya waxaa ka mid aha: Cabdi Latif Ega oo qoraaga Guban, Axmed Yusuf, waxaa kale oo ku jira Professor Mareykan ah ee Paul. D Williams kaas oo qoray ‘Fighting for Peace in Somalia..oo howl-galka AMISOM 2007-2017.
Dadka kale, waxaa ka mid ah Dr. Cali Abubakar, oo guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho, Fardousa Jama oo ku xeel-dheer dhaqanka iyo qoraayaal kale.
Sanadkan waxaa lagu soo daray qeyb caruurta iyo wax akhriska ah, waxaana laga geli-doona doodo arrinkan la xiriira.
Wararka, Carwada kala soco, Goobjoog
Goobjoog News