Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Buulo-burde, Hiiraan
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay howlgallo ballaaran ka wadaan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.
Howlgalkaan oo ah mid ammaanka lagu xaqiijinayo ayaa lasoo sheegayaa in ciidamadu ay ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi.
Waxaa jirta tiro dhallinyaro ah oo howlgalkan lagu soo qabtay, hase ahaatee weli faah faahin lagama bixin inta ay la egyihiin dhallinyaradaasi.
Howlgalkaan ayaa wuxuu daba socdaa kadib qarax shalay ka dhacay suuq Khaadka lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News