Wariye Ka Tirsan Goobjoog Media Group Oo Xabsiga Laga Sii Daayay
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Goobjoog Media Group ayaa xabsiga laga siidayay, ka dib maalinimadii Arbada la horgeeyay Maxkamadda.gobalka Banaadir.
Cali ayaa waxa uu maalinimadii arbacada uu ka soo muuqday Maxkamadda gobalka Banaadir , assagoo lagu soo eedeeyay aflagaado iyo waxyaabo la xariira Imtixaanka wasaaradda waxbarashda. ee dugsiyada sare ee sanad waliba ay qaado.
Garsoorka ayaana laalay dacwadihii lagu soo eedeeyay Cali,waxa uuna cadeeyay in eedeeymaha la hor keenay aan dacwad la oran Karin, waxa Garsoorka uu laamaha ammaanka uu faray in Wariye Cali Aadan xoriyaddiisa dib loo siiyo maalinta jimcada marka uu soo dhamaado Imtixaanka Wasaaradda waxbarashada ay qaado sanad waliba.
Goobjoog News