Askari Haweeney Ku Dilay Magaalada Muqdisho
Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka gaar ahaan Booliska ayaa goordhow qof shacaba ku dilay mid kalana ku dhaawacay gudaha magaalada Muqdisho.
Sida qof Goobjoog ahaa uu u sheegay Goobjoog News dilka ayaa ka dhacay meel u dhow koontarool ciidamada Booliska ay ku leeyihiin isbilaatalka Masaardida ee degmada Hodan.
Goobjoogaha ayaa sheegay inuu dilk dhacay ka dib markii wadada ay jaam noqtay kadibna uu askariga xabado furay kuwaas oo sababtay geerida qofka dhintay oo lagu sheegay inuu dumar ahaa, halka qof kalana uu soo gaaray dhaawac, oo la socday mooto Bajaaj ku socdaaleysay wadada .
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu askarigii dilka iyo dhaawaca geystay uu goobta ka cararay, ciidamadii goobta ku sugnaa ayaana ku guul dareystay in ay gacanta ku dhigaan askarigii falka geystay.
Dhanka kale waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ku aadan dilka iyo dhaawaca ka dhacay dagmada Hodan ee gobalka Banaadir.
Dilalka iyo dhaawacyada ciidama ammaanka ay u geystaan dadka shacaka gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa soo lab laabtay mana jiraan ilaa iyo hadda xal laga gaaray oo lagu baajinayo dhiiga shacabka ee maalin waliba daadinayaan ciidama dowladda.
Goob joog News