Ciidamada Booliiska Soomaaliya Iyo Hiil-walaal Oo Ku Dagaallamay Jalalaqsi, Hiiraan
Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in goor dhow halkaasi ku dagaallameen ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi iyo sidoo kale ciidamada Jabuuti (Hiil-walaal) ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan qaabka uu dagaalkan ku bilowday, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidanka Booliiska ay diideen daminta isgaarsiinta degmada Jalalaqsi si ay Hiil-walaal u sameeyaan howlgal miino baaris ah.
Muuse Salaad, taliyaha Booliiska degmada Jalalaqsi oo isna la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in dagaalkan uu yimid kadib markii ciidamada Jabuuti isku dayeen in dad ku xirnaa saldhigga ay awood uga saaraan, ayna iska difaaceen, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashay, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos-goos ah oo dhaceysa.
Ciidamada Jabuuti ayaa lasoo sheegayaa in haatan ay ku sugan yihiin meello badan oo ka mid ah degmada Jalalaqsi, waxaana xilli walba laga cabsi qabaa in mar kale dagaal uu dhinacyadan dhex-maro.
Waxaa yaraaday dhaq-dhaqaaqyadii shacabka ee degmada Jalalaqsi, sidoo kalena waxaa xiran qaar ka mid ah xarumaha ganacsiga ee magaaladaasi.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News