Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Kyle McCarter ayaa sheegay in uu safar ku yimid caasimadda Muqdisho, kalana hadlay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu dacwada badda ka soo celiyo maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ.
Kyle McCarter oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska afka dheer ee Daily Naition ayaa wax laga weydiiyo xalka Kiiska badda, waxaa uuna yiri “Waa in si dhaqso ah wax looga qabto, waxaan ka shaqeyney in madaxweyneyaasha Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Kenyatta isugu yimaadaan miiska wada hadalka.
Safiirka Mareykanka ee Kenya oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan tagay Muqdisho si aan ula hadlo madaxweyne Farmaajo, waxaan u sheegay in kiiska badda ka qaado maxkamadda. Waxaan u sheegay Farmajo and Kenyatta in caqabadda ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al-shabaab, taasina ay tahay jidka keliya ee looga faa’ideysan karo badda”.




From the comments