Madaxweynaha Iran oo 3 Arrin Ka Balanqaaday Dhiggiisa Ukrain
Sheeko:Arrimaha Amniga
Xiriir dhanka telefanka ah ee dhexmaray madaxweynaha Ukrain Volodmyr Zelenky iyo dhiggiisa Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa ninka dambe waxaa uu balanqaaday 3 arrin oo muhiim ah.
- In Iiraan ay Ukrain u dib u celin doonto meydka 11 u dhashay dalkaasi oo diyaaradda ku geeriyooday.
2. In ay Dhahraan ay magdhow bixi doonto wixii khasaare ah ee halkaasi ka dhashay
3. In la ciqaabi-doono iyo cdaaladda la marsiin-doono dadkii ka dambeeyey falkaasi.
Dhankeeda Canada ayaa sheegeysa in ay jawaabo ka rabto ilaa 57 qof oo dalkaasi u dhashay oo diyaaradda saarnaa.
Arrintan ayaa waxaa ay imaaneysaa saacado kadib markii ay Dhahraan qiratay in ay soo riday diyaaradda taasina ay aheyd qalad.
Goobjoog News