Ahlusunna Oo Shaaca Ka Qaaday in Aysan Aqoonsaneyn Doorashii Madaxweyne Qoor Qoor
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ahna Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn doorashadii madaxweynaha Galmudug loogu doortay Cabdi kariin Cali Kaariye Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Sheekh Maxamed Shaakir ayaa lagu xusay in dhankooda aysan aqoonsaneyn doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada dhuusamareeb laguna doortay Madaxweyne Qoor qoor iyo Cali Daahir Ciid.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri Ahlusunna waxaa ay ku war gelineysaa beesha caalamka iyo dadka reer Galmudug in aysan wax wadahadal uusan dhexmari doonin dowladda federaalka ah iyo Ahlusunna uusan.
Ugu dambeyn waxaa warsaxaafadeedka baaq loogu jeediyey ciidamada ammaanka gaerabka Ahlusunna ayadoona loogu baaqan in ay ka fogaadaan wax waliba oo iska hor imaad keeni kara ka dhasha khilaafka ka taagan dhismaha Galmudug.
Halkaan ka Akhriso
Goobjoog News