Dad Ku Sumoobay Hilib Ay Cuneen Gobalka Gedo Koofurta Soomaaliya
Wararka laga helayo gobalka Gedo ee dowlad gobaleedka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dhowr qof ay geeriyoodeen, kadib markii ay ku waxyeeloobeen Hilib sumeysan oo ay cuneen.
Dadka ku sumeebay Hiibka ayaa ku noolaa miyiga degmada Luuq ee gobalka Gedo, waxaana inta la xaqiijiyey geeriyooday 3 qof halka ku dhawaad 150 ruuxna waxaa la dhigay isbitaalada oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ay ku sumoobeen Hilibka neef Geel ah oo ay cuneen, waxaana la ogen sababta keentay in hilibka neefka uu noqdo mid sumeysan.
Dhanka kale dadka geeriyooday ee ku sumoobay hilibka ayaa kala ahaa labo caruur ah iyo haweeney, sidoo kale waxaa isbitaalka degmada la dhigay dad badan oo caafimaadkooda lala tacaalayo.
Ugu dambeyn maamulka degmada Luuq ayaa ku waramay in saacadihii la soo dhaafay Isbitaalka guud ee degmada la dhigay dad badan kuwaas oo iyagane cunay hlibka Sumaysan dhaqaatiirna ayaa baaritaanno wadaan.
Goobjoog News