Axmed Madoobe Oo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Kawada Jubbada Hoose
Madaxweynha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa lagu soo waramayaa in qeybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose uu ka wado dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga bixiyay fasiraado kala duwan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyada uu wado Axmed Madoobe ay salka ku hayaan sidii looga hortagi lahaa deegaanada ay isku fidinayaan ciidanka dowladda ee ka tirsan gobalka Gedo ee maamulkiisa.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa la soo sheegayaa in ay si gaara uga socdaan degmada Dhoobleey ee gobalka Jubbada hoose, waxaana saraakiisha ciidamada daraawiishta kulan xasaasi ah la qaatay madaxweynaha Jubbaland.
Afhayeenka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdinuu Ibraahim Xuseen oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyadan looga gonleeyahay sidii deeganada Jubbooyinka looga saari lahaa dagaalyahanada Al shabaab.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa haatan wada dadaalo uu Al shabaab kaga qabsanayo deeganada Jubboyinka maadaama inta ugu badan gobalka Gedo ay gacan ku heyntiisa la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Goobjoog News