Taliska booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu ka hadlay dhacdo aad u xanuun badan oo xalay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Jii Caloosin oo ku taalla duleedka magaalada Dhuusamareeb, dhacdadaasi oo gabar yar jirdil loogu geystay deegaankaasi ay u geeriyootay.
Taliyaha booliska degmada Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay yaa sheegay in baaritaano hordhac oo ay heleen ay ku ogaadeen in gabdha qeybo ka mid ah jirkeeda u go’ay, waxa uuna tilmaamay in gabadha geeriyootay hooyadeed iyo nin gabadha adeer u ahaa ay falkaasi u soo qabteen.
Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ikraan Mira Xaashi oo da’deeda lagu sheegay 11 sanno jir, waxaana taliska booliska Dhuusamareeb ay sheegeen in kiiskan aya uga soo hari doonaan sharciga.




From the comments