Dable xoogga dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ayaa loo heystaa dilka Allaha unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo dhaawaca Yaasiin Geedow Xuseen kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho Beer uu lahaa Eedeysanaha oo ku taal magaalada Buullo Mareer 31 October sanadkii tegay.
Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019 Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Xafiska isla xilligaas weydiistay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle garsuge ahaan.
Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ka sheegay Fadhiga Maxkamadda in Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu ula dhaqmay xoogsatada sidii in ay addooma u yihiin oo kale, Damaciisuna ahaa in uu dilo marxuum Xuseen Axmed Cabdulle ita kalane ay ugu shaqeeyaan si qasab ah, sidaas darteedna uu mudan yahay in la dha-dhansiiyo xanuunka Geerida.




From the comments