Faahfaahin Dheeraad oo Laga Helayo Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sanaag
Wararka naga soo gaarayo gobolka Sanaag ayaa sheegayo in saakay dagaal ka bilowday deegaan lagu magacaabo Waqadariya oo dhaca galbeedka degmada Laasqoray ee gobolkaasi.
Dagaalka oo bilowday saakay aroor hore ayaa dhex marayo laba beelood oo wada dega deegaanka, waxaana wararku intaas ku darayaan in labada beelood ayaa waxaa ay ka soo kala jeedaan Puntland iyo Somaliland.
Waxaa jiro khasaare ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamayo dagaalamayo gobolka waxaana adag in si dhab ah loo ogodaado xogta maadaama isgaarsiinta deegaanka ay aad u liidato.
Wariyaha Goobjoog Celduruus ayaa waxaa uu soo sheegayaa in dagaalkii hadda uu iskiis u istaagay mana aysan jirin wax ciidan ah oo kala dhex galay, waxaa la gubay goobo ku yaallo deegaanka oo Masaajid uu ka mid yahay dhaqanka gobolka Sanaag ayaa hadda raadinaya waanwaan.
Dagaalaka ka dhacaya degaanka Waqadariya ayaa dhowr jeer ku la soo laalaabanayey deegaanka oo ah mid ku teedsan dhanka xeebta labada dhinac ayaan isku haayo gacan ku heynta deegaankaasi mana jiro xal lagu dhameynayo dagaalka oo in badan khasaare sababay soo kala gaaray labada dhinac ee isku hayo deegaanka.
Goob joog News