Askar Lagu Dilay Duleedka Muqdisho
Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Qolyaha askarta dilka u geystay ayaa ahaa dhalinyaro ku hubeysanaa Bastoolad kuwaas oo toogtay laba askari xili ay ku sugnaayeen Ceelasha biyaha, qolyihii dilka geystay ayaagoobta isaga baxsaday ka dib toogashada askarta.
Ciidamado ka tirsan dowladda oo goobta soo gaaray ayaa ka qaaday meydka askartii la dilay iyagoo sidoo kale halka wax ka dhaceen ka sameeyey baaritaanno lagu ogaanayey qolyihii dilka geystay lakiin lama sheegin cid loo qabtay.
Duleedka Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka dhaco dilal qorsheysan oo loo geysto ciidamada iyo weerarro lagu dilo inta badan ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Goobjoog News