Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo Maalintii Labaad Ku Xiran Amarka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.
Qareennada u doodaya Weriye Cabdi casiis Gurbiye ayaa sheegay in si aan sharciga waafaqsaneyn loo maray habka xiridda Weriyaha Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maalintii labaad u xiran Dowladda Federaalka.
Warqad Qareennada u doodaya Gurbiye ay u gubiyeen Maxkamada Gobolka Banaadir ayay ku muujiyeen sharci darrada uu ku xiran yahay Weriyaha oo hada ku xanuunsanaya xabsiga uu ku xiran yahay.
Qaadista iyo dhageysiga Dacwad Ciqaab oo la xiriirta 220 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo talaabooyinka kale ee la xiriira sida soo saarista amarka qabashada iyo horkeenista ee uu jidanayo xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed waxa ay awoodeedu tahay maxkamadda degmada sida ay dhigayaan .
Qodobaka 2aad farqaadiisa 4aad ee xeerka Nidaamka Garsoorka ee Tr. yahay Lr 1. Soo baxay 12-06-1962.
Qodobada 2aad farqadiisa 2aad ee xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed ee tirsigiisu yahay Lr 1 soo baxay 1963.
Qodobada 8aad farqadiisa 3aad ee Sharciga nidaamka Garsoorka ee tirsigiisu yahay Lr 34 soo baxay 11-09-1974.
Hadaba waxa muuqanaysa in amarka ah soo qabashada iyo horkeenista ee ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir aysan ahayn mid awood sharci ah ku fadhida, maadama ikhtisaaskaasi ay leedahay Maxkamada iyo Garsoorka degmada uu degan yahay Cabdicasiis Gurbiye.
Qareenada iyo Sharciyaqaanada ayaa dalbanaya sii deynta Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo soo qabashadiisa iyo horkeenista Maxkamadda Gobolka Banaadir ay hareer marsan tahay xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Goobjoog News.