Shaqa Joojin Lagu Sameeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir
Sheeko:Arrimaha Amniga
Guddoomiyaha Maxkamdda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomihii maxakamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Cabdi,
Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed ayaa xilkaas si ku meel gaar ah waxaa uu u magacaabay xilka maxkamadda gobolka Cabdisalaan Macalin Cabdi oo ah guddoomiyaha Maxkamadda degmada Howlwadag ee gobolka Banaadir.
Shaqo joojinta lagu sameeyey guddoomiyihii maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay ka dambeyso khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyaha maxkamadda gobolka iyo guddoomiyaha Maxakamadda Sare Baashe.
Goobjoog News