Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo adaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlaay isku dubaridka u gurmashada magaalada Qardho ee gobolka Karkaar oo ay ka qeyb galeen safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya, hay’adaha gargaarka, QM iyo Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaaladda taagan, iyo nuuca kaalmada deg degta ah ee hadda loo baahan yahay si loo soo celiyo nolosha dadka magaalada Qardho maadama daadaka ku soo rogmaday magaalada ay dhinac weliba ay ka saameeyeen oo xitaa ganacsigii magaaladu istaagay.
Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay in xaaladahaan oo kale wadajir loo wajaho, ayaa ugu baaqay hey’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya inay u gurmadaan dadka reer Qardho si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntiland ku amaanay sida midnimada iyo dhaqsaha leh ee ay ugu gurmadeen dadka ku nool qardho xilligii ay daadadku kusoo rogmadeen ayna wajahayeen xaaladda adag ee dhanka nolosha ah.
Goobjoog News