Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni ayaa G/Sare Cismaan Cumar Maxamed u magacaabay Taliyaha ciidanka Madaxtooyada, halka ku xigeenna looga dhigay G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu magacaabay Taliyaha iyo ku xigeenkiisa markii uu arkay baahida loo qabo iyadoo horay isku casilay taliyihii ciidamada Madaxtooyada.