Heshiis La Dhex Dhigay Beelo Ku Dagaalamay Gobalka Mudug
Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka General CabdiCasiis Cabdilaahi Cabdi Qooje ayaa sheegay in lagu guulestay heshiis hordhac ah oo la dhax dhigay beelo ku dagaalamay deegaanka Laas-Gacameey oo 15-Km u jira Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
Taliyaha ayaa sheegay inay si buuxda ugu guuleysteen in la xaliyo colaadii ka taagneyd degaanka Laas-Gacameey, islamarkaana go’aan lagu gaaray in ciddii heshiiska baal marta tilaabo laga qaadi doono.
Kulanka heshiisiinta oo socday muddo Lix cisho ah, isla markaana ay ka qeybgaleen odayaasha dhaqanka iyo madaxda taliska qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ,waxaa lagu go’aamiyay in laga gudbo muranadii jiray ku waasi oo ragaadinaya nabadda iyo horumarka degaanka iyo howlgalada ciidamadu ay ku doonaayeen inay ku wajahaan deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan gobolka Mudug.
Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa inta badan waxa ku soo laablaabta dagaal beeleedyada dhexmara beellaha walaalaha ah ee halkaasi wada dega.
Goobjoog News