Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Ku-xigeenkiisa
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus iyo ku-xigeenkiisa.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku taariikhaysan 16-May-2020 ayaa Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada culus loogu magacaabay G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada culus ayaa loo magacaabay G/sare. Cawil Jaamac Nuur, sida ku xusan lagu xusay Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay shan Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida kuwaas oo kala ah; G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan, G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed, G/sare. Cali Faarax Caydiid, G/sare. Cabdi Cali Jaamac iyo /sare. Maxamuud Faarax Maxamed.
Goobjoog News