Madaxweyne Deni oo Wasiir Cusub Ku Soo Daray Xukuumaddiisa
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay Lr.45 ku magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha maamulka Puntland.
Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxweynaha ayaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha , xeerka madaxweynaha ayaa u qornaa sidan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad
Marku arkay: Aqoonteeda, kartideeda iyo Waayo-aragnimadeeda shaqo
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha
*Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
* Wasiir Hodan Saciid Xasan ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.
Goobjoog News