U bood dhigaalka

Mudaharaad Ka Dhashay Askari Lagu Xiray Wadanka Jabuuti oo Ka Bilowday Caasimadda Dalkaasi.

Caasimadda wadanka  Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saaka waxaa wadooyinkeeda  isugu soo baxay dad careysan kuwaas dalbanaayo  in xabsiga laga sii daayo nin askari ah  oo u la sheegay in uu u xiran yahay dowladda, dibad baxayaasha ayaa wadooyinka ku gubaayo Taayarro.

Askariga xiran oo la sheegay inuu ahaa duulliye  ayaa magaciisa  lagu sheegay Fu’ad Yousuf Ali, ayaa hadal-hayntiisu baraha bulshada qabsatay, kadib markii uu muuqaal isaga soo duubay gudaha xabsiga, isagoo sheegay in lo gaystay dulmi ,islamarkaana uu ku dhex xiran yahay suuli aan nadaafadeeda aysan wanaagsaneyn sida muuqaalka ku yiri.

Maxbuus Fu’ad, ayaa sheegay in markii hore xabsiga loo geliyay, kadib cabasho uu ka muujiyay dulmi ka haystay saraakiisha isaga maamusha waxaana uu sheegay in badalkeeda uu ku muteystay xabsi la dhigay Fu’aad Yuusuf

Xaaska maxbuuska xiran oo muuqaal soo duubtay soo gelisay baraha bulshada  ayaa shacabka Jabuuti ka dalbatay, in ay garab istaagan iyada iyo saygeeda, oo sida ay sheegtay dulmi iyo xaq-darro ku xiran yahay sida ay sheegtay.

“Aniga oo Fu’aad Yuusuf Cali xaaskiisa ah waxaan shacab weynaha u sheegayaa Fu’aad maanta dhibka iyo halka uu ku jiro waa uu idiin tusay wax idinka qarsoon majirto Fu’aad maalintii uu hoygiisa ka baxayey dhimasho waa uu u bareeray markii uu dowladda farageliyey ama uu xaqiisa doontay nin xaqiisa doonta Jabuuti wuu ogaa in hoggaa iyo meel kale la gelinayo lakiinn waxaan idiin sheegayaa inuu geesi qaran yahay isaga oo suuli ku jiro ayuu muuqaal soo duubayaa waxaan u sheegayaa shacabka Jabuuti anigu gambada cad waan xirtaye adinku ma is xoreyseen” ayey tiri.

Dowladda Jabuuti weli kama hadlin dhacdadaaas, oo saacadihii u dambeeyay baraha bulshada qabsatay, inkastoo la soo sheegayo in ay saaka awood ciidan u adeegsanayso shacabka dibax-baxyada dhigaya waxaana la ogeyn halka ay biyo shuban doonaan kacdoonka shacabka ee ka dhashay askariga sheegay in dulmi uu ka tirsanaayo dowladda.

Madaxweynaha Ismaïl Omar Guelleh, ayaa marar kala duwan lagu eedeeya xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda insaanka, kuwaas oo u badan xabsi iyo ciqaab la mariyo kooxaha mucaaradsan dowladdiisa, Guelleh, oo markii u horraysay xilka madaxtinimada Jibouti ku guulaystay sannadkii 1999, ayaa saddex jeer oo dambe dib loo doortay sannadihii 2005, 2011 iyo 2016 waxaana dhammaan doorashooyinkaas  ayaa lagu tilmaamay kuwa uu ku shubtay.

Goobjoog News