Mug La’aanta Hadal Jeedinta Madaxweyne Farmaajo
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sabtidiia khudbadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka ah ka horjeediyay labada gole isaga oo ka hadlay arrimo badan.
Maxay aheyd in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo ka hadlo?
Goobjoog News waxaa akhristayaasheeda la wadaageysaa arrimo muhiim ahaa oo madaxweynaha aanu soo hadalqaadin, sida kiiska badda, colaadaha ka socda dalka, dhameystirka hey’adaha dowliga ah ee muhiim ka u ah doorashada iyo dowlad dhisidda dalka.
Saameynta Covid-19: Madaxweynaha Soomaaliya furitaanka hadalkiisa waxuu ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan u dhintay caabuqa, waxuuna sheegay in dowladda soo celisay dad Soomaaliyeed oo ku xayirmay dalal ay safar ku marayeen markii uu cudurku dunida ka dilaacay, waxa uuna u mahadceliyay guddiga uu ra’iisul wasaaruhu hoggaamiyo, marna madaxweynaha ma sheegin saameynta taban ee dhaqaale, caafimaad, iyo horumarka bulshada, iyo qorshaha xakuumadda farmaajo, mana jirin xisaab celin ku aadan maareynta deeqaha dowladda Soomaaliya ka heshay beesha caalamka.
Kiiska Badda: Maxkamadda cadliga aduunka waxay May 29, 2020 dib u dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya, ilaa markaa madaxweynaha dadka la ma hadlin, hadal jeedinta baarlamaanka Madaxweyne Farmaajo sooma hadal qaadin kiiska badda, qaabka iyo cidda difaaceysa badda, arrintaas oo ahmiyad gaar ah u lahaa shacabka Soomaaliyeed si loo ogaado sababta 3 jeer dib loogu dhigay iyada oo maxkamadda ay bishan dhageysaneyso dacwado kale.
Colaadaha: Inkasta oo madaxweynaha sheegay iney dhammaadeen xilliga dhiilada colaadda iyo dhiigga kuraasta lagu raadiyo, sheegayna in xukuummaddiisu ku guuleysatay sugida amniga, hadana waxaa uu ka aamusay colaadaha ka dhacday gobolada Shabeelaha hoose, dhexe, Baay, Gedo, Jubbada Hoose, Galgaduud, madaxweynaha hadalkiisa kuma darin ka mana tacsiyeyn dilkii ka dhacay Gololey, iyo xataa dagaallo sokeeye oo ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho.
Golaha Adeega Garsoorka: Madaxweynaha khudbadiisa uga ma hadalin dhismaha guddiga adeegga garsoorka oo muhiim u ah madaxbannaanida garsoor, dhanka kale madaxweynaha ma soo hadal qaadin dhismaha maxkamadda dastuurka oo muhiim u ah doorashooyinka iyo madaxbanaanida adeega garsoorka dalka.
Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka: Farmaajo kama hadlin xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca dalka iyo toona mida ay ciidanka dowladdiisu ku kacaan iyo halka uu ku dambeeyo dhismaha guddiga xuquuqul insaanka oo 3 sano wax laga qaban la’yahay, waxaa kale oo uusan waxba ka xusin tacadiyada ka dhanka ah ee haweenka Soomaaliyeed wajahaan oo dhawaanahaan soo badanayay.
Guddiga Musuqmaasuqa: Inkasta uu soo hadalqaaday la dagaalanka musuqa hadana kama hadlin dhismaha guddiga madaxabanaan ee la dagaalanka musuqa oo muhiim u ah waxqabashada musaqa mana sheegin dalka Soomaaliya uu ku jiro liiska ugu hooseeya ee musuqmaasuqa caalamka. Iyo halka uu ku dambeeyay sharciga hanti dhawrka qaranka.
Shaqo-abuur: Madaxweynaha waxa uu ku faanay in ay dowladiisu tahay dowladda shacabka ma uu Dhalinyarada soo hadal qaaday waxa uu ku ekeystay boorin iyo guuubaabo balse kama hadlin in dowladdiisa ku guul dareysatay shaqo-abuur ku aadan dhalinyarada, waayo shaqaalaha dowladda ee rayidka ah waa sidii ay ahaayeen maamulkii ka horeeyey, dhanka kale dowladda ma abuurin fursado ganacsi oo walaaleynta shirkaddaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn horay uma dhaqaaqin, gacansiga goonida loo leeyahayna waxay la daalaadhacayaan jidad la’aan iyo canshuur aan laheyn natiijo.
Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada: mar uu madaxweynaha ka hadlayay doorashada dalka waxa uu soo cuskaday dood ah kulamo dhexmaray dowladda iyo maamulada dalka 2018 kii, mana sheegin xaalka hada iyo meesha xun ee uu maraya xiriirka maamulkiisa iyo dowladaha xubnaha ka ah, arrintaas xalkeeda sooma hadal qaadin, lamana oga qorshaha villa Soomaaliya ee ku aadan watashiga dowladda iyo maamullada.
Deegaanka: Arrimaha deegaanka iyo musiibooyinka soo noqnoqda dalka waa dhibaato kale oo aanu ka hadlin xalkooda, dad badan waxay ka barakaceen deegaankii ay daganaayeen waxayna ku waayeen daadadka roobka iyo wabiyada dad iyo duunyo, kuwa kale waxay la il daranyhiin musiibada Ayaxa waxaana muuqata in dowladda madaxweyne Farmaajo u heyn siyaasad.