Maxay Ka Wadahadleen James Swan iyo Wasiir Islow?
Sheeko:Arrimaha Amniga

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilka guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Wasiir Islow iyo James Swan ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda amniga xilliga doorashooyinka.
“Waxaan maanta kulan la yeeshay wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay James Swan oo aynu ka wadahadalnay xaaladda dalka, wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda amniga xilliga doorashooyinka,” ayuu yiri wasiir Ducaale.
Goobjoob News