Madaxweyne Laftagareen oo Ciidanka Xoogga Kala Hadlay Howlgallo Laga Bilaabayo Bokool
Madaxweynaha dowlada gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( Laftagareen) ayaa kulan looga hadlayay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ee gobalka Bakool, waxuu la qaatey Taliska guutada sagaalad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Genraal Muqtaar Maxmed Cabdulahi geesey taliyaha guutada sagaalad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay radiomuqdisho ayaa sheegey in kulanka ay madaxweynaha la qaateen uu ahaa mid is xog wareysi ah.
waxaana intaasi uu ku sii daray in madaxweynuhu uu aad u daneynayay,howlaha ciidamada isagoo si weyn noogu guubaabiyay sidiiloo qaadi lahaa howlgallo ka djhan ah Al-shabab ,waxaanu sidoo kale uu innoo ballan qaaday wax badan oo lagu horumarinayo guutada.
Genaral Muqtaar Geesey ayaa sidoo kale Sheegey in madaxweynaha KG. Cabdicasiis xasan maxamed lafta-gareen ay isla soo qaadeen sidii loo soo dhameystirilahaa qorshayaasha horumarineed ee loogu talogalay dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeynayo.
Ugu dambeyntii waxaa uu umahad celiyay taliyuhu qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka bakool,isagoo xusay iney yihiin shacab dulqaad badan’ misana ciidamada kala shaqeeya sidii guud ahaan degaannada KG loo gaarsiin lahaa dowladnimada . Goobjoog News