Madaxweynaha Galmudug oo Soo Dhoweyn Loogu Sameeyey Degmada Hobyo
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa galabta safar ka mid ah kuwo uu ku marayey gobolka Mudug, waxaa uu ku gaaray degmada Hobyo ee isla gobolkaasi.
Madaxweynaha wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmada, waxaan soo dhoweynta ka qeyb qaatay bulshada qeybaheeda kala duwan.
Madaxweynaha Galmudug ayaa Maalinta bari ah waxaa lagu wadaa in Magaalada Hobyo uu kaga qeyb galo shir looga arinsanayo sidii reer Galmudug wax uun uga bilaabi lahaayeen dhismaha Dekeda Hobyo .
Goobjoog News
Goobjoog News