Wasiir Amniga Galmudug oo Gaaray Bacaadweyn
Sheeko:Arrimaha Amniga
Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta booqday saldhiga ciidanka Booliska degmada Baacadweyne ee Gobolka Mudug.
Wasiirka waxaa kormeerkaan ku wehlinayey saraakiil katirsan ciidanka Booliiska oo uu horkacayey taliye Booliiska dowlad goboleedka Galmudug.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay Taliska Booliiska degmada Baacadweyne iyo Guddoomiyaha degmada, iyadoo dhowaan Bacaadweyne uu ka dhacay qaraxa loo adeegsaday gaari.
Wasiirka ayaa ballanqaaday in hay’adaha amnigu ay si rasmi uga howlgali doonaan deegaanka isla markaana la dhameystiri doona dhismaha qeybyada ee Saldhigga Booliiska Degmada.
Goobjoog News